Wasiiro ka socda DF oo heshiis doon ah oo la kulmay Saciid Deni

Boosaaso (Caasimada Online) – Magaalaa Boosaaso ee xarunta gobolka Bari waxaa caawa kulamo ku yeeshay wafdi heer wasiirro ah oo ka socda dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo xubno ka tirsan madaxda sare ee Puntland oo uu ugu horeeyo madaxweyne Saciid Cabdullahi Dani.

Galinkii dambe ee maanta ayaa waxaa magaalada Boosaaso soo gaaray wafdi ka socda xukuumadda Ra’iisul Wasaare Kheyre oo uu hoggaaminayo Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad, waxaana ka qeyb ahaa Wasiirka Qorsheynta Jamaal Maxamed Xasan, Wasiirka Kalluumeysiga Cabdullaahi bidhaan, Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Cabdi Canshuur Xasan iyo xubno kale.

Xubnaha wafdigan oo ka soo wada jeeda Puntland ayaa waxaa la sheegay in u jeedkoodu yahay inay u kala dab qaadaan xukuumadda ay ka tirsanyihiin ee federaalka iyo maamulka Puntland oo ay ku matalaan xubinimada dowladda dhexe.

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Dani oo maalmihii dambe ku sugnaa magaalada Boosaaso ayey si gaar ah xubnahaasi ula kulansanyihiin caawa, waxayna kala hadlayaan sidii meesha looga saari lahaa khilaafka u dhexeeya dowladda federaalka iyo maamulka Puntland.

Sidoo kale wafdiga wasiirrada ah ee dowladda federaalka ay u dirtay Puntland ayaa waxaa la sheegayaa in madaxweynaha Puntland ay kala hadleen inay joojiso taageerada iyo garab istaaga ay u muujinayso hoggaanka maamulka Jubbaland oo khilaaf xoog leh uu kala dhexeeyo hoggaanka dowladda federaalka.

Tan iyo markii markii la doortay madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullahi Dani ayaa waxaa tartiib tartiib u soo if-baxayay khilaaf siyaasadeed oo kala dhaxeeya dowladda federaalka Soomaaliya, isagoo dhawr jeer eedeyn u jeediyay madaxda fedelaaka.

Dani ayaa wixii ka dambeeyay markii loo doortay madaxweynaha maamul goboleedka Puntland aanan tagin magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka, taas oo dhawr mar lagu casuumay shirar heer caalami ah oo ka dhacayay, waxaana taas loo sababaynayaa khilaafka kala dhexeeya madaxda dowladda federaalka.

Caasimada Online
Xaafiiska Boosaaso
Caasimada@live.com