Wafdi uu hoggaaminayo madaxweyne Saciid Deni oo u dhoofay Kismaayo

Boosaaso (Caasimadda Online) – Diyaarad sida Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni ay goor dhow u duushay magaalada Kismaayo.

Wafdigaan ayaa la filayaa inay ka qeyb galaan  xaflada caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe taasoo ay ka taagan tahay muran ku aadan inay ku qanacsaneyn Dowladda Dhexe.

Diyaaradda ayaa si toos ah ugu duushay Magaalada Kismaayo iyadoo aan marin Magaalada Muqdisho maadaama ay sidaas amartay, waxayna noqoneysaa markii labaad oo la jabiyey amarkii Dowladda.

Wararka kale ee laga helayo Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland ayaa sheegayo in saacadaha soo socda ay halkaas ka bixi doonaan wafdi uu hoggaaminayo madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole oo hadda ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Waxaa Shalay ilaa Maanta Magaalada Boosaaso ka socday kulamo u dhaxeeyey madaxweynaha Puntland Saciid Deni iyo wafdi wasiiro ah oo halkaas u tagay inay Deni ka baajiyaan ka qeybgalka Xafladda Caleema saarka.

Wararka ayaa sheegayo inuu madaxweyne Deni iska diiday dalabkii ay Dowladda Soomaaliya usoo marsiisay Wasiiradii uu hoggaaminayey Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Ammaanka Magaalada Kismaayo ayaa si weyn loo adkeeyey, waxaana halkaas ka socoto qabanqaabadii ugu dambeysay oo wafdigaas lagu soo dhaweenayo.

Dhawaan ayey aheyd markii ay Magaalada Kismaayo gaareen wafdi ay hoggaaminayeen Shariif Xasan Shiikh Aadan iyo Cabdikariin Xuseen Guuleed oo horey usoo kala noqday madaxweynayaasha Koonfur Galbeed iyo Galmudug.

Dowladda Soomaaliya ayaa xoogeeda isugu geysay sidii ay u baajin laheyd Xafladda caleema saarka ee Axmed Madoobe waxayna u muuqataa inay tahay mid lagu guuldareystay.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
caasimada@live.com