28.2 C
Mogadishu
Sunday, May 3, 2026

NUSOJ oo dooratay xoghaye iyo guddoomiye cusub caawa

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ergooyinkii Suxufiyiinta ahaa ee ka kala socday Gobolada dalka ayaa goordhow si rasmi ah u doortay Gudoomiyaha cusub ee ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ.

Ergada ayaa Guddoomiyaha u doortay Maahir Aadan Jaamac oo ka mid ah wariyeyaasha ka socda deegaanada Puntland.

Maahir Aadan Jaamac ayaa helay codad gaaraya 93 cod, halka Aadan Maxamed Salaad Aadan Kismaayo oo isaguna ka mid ah wariyeyaasha ka socda deegaanada Jubbaland lana tartamaayay Maahir uu helay cod dhan 56.

Guusha doorashada Guddoomiyenimo ayaa waxa ay sidaa ku raacday Maahir Aadan Jaamac.

Sidoo kale, Xoghayaha guud ee Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ayaa waxaa loo doortay Saxafiga lagu magacaabo Maxamed Ibraahim Macalimuu.

Macalimuu ayaa waxaa la tartamaayay Saxafi kale oo lagu magacaabo Cali Baashi, balse Cali Baashi oo tallo ay gacantiisa ka baxday ayaa tanaasul u sameeyay Macalimuu, waxaana sidaa Xoghayaha ku noqday Maxamed Ibraahim Macalimuu.

Doorashadaani ayaa muujineysa in Somalia ay usii tafa-xeydaneyso Cadaalada iyo sinaanta.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News