Muqdisho (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa Dagaal maanta ka dhacay Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.
Dagaalka ayaa u dhexeeyay labo maleeshiyo beeleed oo wada daga kuwaas oo horay ugu dagaalamay halkaas.
Wararku waxa ay sheegayaan in dagaalkaasi uu ka dhashay dhaawacyo badan oo la gaarsiiyay Isbitaalka Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.
Khasaaraha ka dhashay dagaalka ayaa ah Shan dhimasho iyo lix dhaawac ah.
Maamulka degmada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaanan wali ka hadlin dagaalka maanta dhacay.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

