Muqdisho oo isla ruxmeysa maanta – Maxaa ka dhacaya?

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa waxaa maanta la la filayaa inuu ka dhaco dibadbax weyn oo uu soo qaban-qaabiyay maamulka gobolka Banaadir, kaas oo looga soo horjeedo heshiiska badda ee ay Somaliland kowdii bishan Addis Ababa kula gashay dowladda Itoobiya.

Qaban-qaabadii ugu dambeysay dibad-baxan oo noqonayo kii ugu ballaarnaa ee ka dhaca gudaha caasimada ayaa haatan ka socda dhammaan degmooyinka gobolka Banaadir.

Sida qorshuhu yahay waxaa lagu wadaa in Muqdisho ay isla nuuxsato, si ay u muujiyo dareenkeeda ku aadan heshiiskaas oo xadgudub ku ah Qaranimada Soomaaliya.

“Maanta haddii uu ilaah yiraahdo iyo gelinka hore waa innoo ballan ah magaalada Muqdisho inay isla nuuxsato” ayuu guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ka hadlay dibadbaxa uu qabanayo maamulkiisa.

Sidoo kale Yuusuf Madaale ayaa farriin culus u diray shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna ugu baaqay in ay ka horjeestaan heshiiskaas, ayna ka dhiidhiyaan sida ugu dhaqsiyaha badan.

“Waxaan halkan farriin uga gudbinayaa shacabka Soomaaliyeed ee ku nool caasimada Soomaaliya ee Muqdisho aniga oo ah guddoomiyihii gobolka Banaadir farriintaan aan gudbinaayo waxa ay tahay inaan ka jawaabno tallaabadii aan ku habooneyn dalka iyo dadka Soomaaliyeedba ee shalay ay ku dhawaaqeen Muuse Biixi iyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya arrinkaas oo ah in baddii Soomaaliya uu heshiis kula galay Itoobiya” ayuu raaciyay.

Sidoo kale Duqa Muqdisho wuxuu intaasi ku daray in heshiiskan uu xadgudub ku yahay Soomaaliya, isaga oo sheegay in Muuse Biixi uu ka faa’iideysanayo muddo xileedkiisa dhammaadka ah.

“Ma’aha arrin u qalma Soomaaliya sida aan la socono Muuse Biixi xilligiisii waa dhammaaday waxa ay ahayd inuu doorasho ka shaqeeyo dalka ayuu qaybiyay sida aan la socono, waatii dagaallo sokeey ay ka dhaceen deegaanada Somaliland” ayuu mar kale yiri.

Waxaa kale oo uu yiri “Shacabka Muqdisho waxaan ugu baaqayaa inay arrintaas ka dhiidhiyaan, ka falceliyaan ay isu soo baxaan ay ka jawaabaan, ayna qabtaan banaanbax nabadeed” ayuu ku daray.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa si weyn uga hortimid heshiiska Addis Ababa, waxayna xukuumadda kasoo saartay qaraar culus, halka baarlamaankuna uu soo saaray xeer deg-deg ah.