MUQDISHO oo markii ugu horreysay si toos ah ugu xirantay qaaradda Yurub

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkadda diyaaradaha Turkish Airlines ayaa soo afjartay duulimaadkeedii Istanbul-Jabuuti-Muqdisho ayada oo ku beddeshay laba duulimaad oo kala duwan oo kala ah; Istanbul-Muqdisho iyo Istanbul-Jabuuti.

Adeeggan oo dhowr toddobaad u socday si tijaabo ah, ayey Turkish Airlines sheegtay inuu hadda kadib yahay rasmi illaa amar dambe, taasi oo macnaheedu yahay in Soomaaliya ay hadda si toos ah ugu xiran tahay Yurub, markii ugu horreysay muddo ka badan 30 sano.  

Garoonka Istanbul Airport ayaa ku yaalla dhinaca Yurub ee marinka Bosporus, wuxuuna sanadkii tegay ahaa garoonka labaad ee ugu mashquulka badan ee ay maraan safrayaasha caalamiga ah, kadib garoonka Dubai oo kow ku jiray. 

Intii uu socday Coronavirus, Turkish Airlines ayaa si ku-meel gaar ah isaga kala gooshi jirtay Muqdisho iyo Istanbul bilihii July illaa September 2021, balse wuxuu ahaa kaliya ku-meel gaar, waana la joojiyey. 

Duulimaadka tooska ah ee Muqdisho iyo Istanbul ayaa sidoo kale si kooban u jiray 2012-kii markii Turkish Airlines ay billowday duulimaadyadeeda Muqdisho. 

Istanbul iyo Soomaaliya

Turkish Airlines waxay si toos ah uga shaqo billowday Soomaaliya 6-dii March 2012, ayada oo isaga kala gooshi jirtay garoonkii hore ee Atatürk iyo Muqdisho. Duulimaadkaas ayaa billowday toddoba bilood un kadib markii madaxweyne Erdogan oo xilligaas ahaa ra’iisul wasaare uu booqday dalka markii ugu horreysay. 

Waxay markii horey Muqdisho tegi jirtay laba maalin toddobaadkii, ayada oo ku hakan jirta Khartoum, balse waxay kadib hakashada u wareejisay Jabuuti bishii August 2012.

Duulimaadkaas ayaa soo socday illaa dhammaadkii March 2022, markaas oo kadib si ku-meel gaar ah loo joojiyey. 

Hadda waxay Turkish Airlines ay si toos ah isaga kala goosheysaa Istanbul iyo Muqdisho, taasi oo meesha ka saareysa ku dhowaad saacad dheeri ku aheyd safarka, oo lagu hakan jiray Jabuuti.

Halka dadku yimaadaan?

Xog laga helay shirkadda ayaa muujineysa in 49,000 oo qof ay isaga kala goosheen labada magaalo sanadii 2019. Dadkaas ayaa badankood ka yimaada Yurub, gaar ahaan UK, Sweden, Finland iyo Norway.

Tobanka garoon diyaaradeed ee ugu badan ee ay soo maraan dadka yimaada Istanbul ee ku socda Muqdisho ayaa kala ah.

1- London Heathrow
2- Stockholm Arlanda
3- Ankara
4- Gothenburg
5- Helsinki
6- Oslo
7- Amsterdam
8- Copenhagen
9- Birmingham
10- London Gatwick

Dadka Turkish Airlines u raaca Muqdisho ee ka yimaada Mareykanka iyo Canada ayaan sidaas u badneyn sababo la xiriira jadwalka duulimaadka. 

Duulimaad faa’iido badan

Agaasimaha Turkish Airlines ee Muqdisho ayaa 2017-kii sheegay in duulimaadka Muqdisho iyo Istanbul “uu yahay mid ka mid ah kuwooda ugu faa’iidada badan.”

Muddo sanado ah, Turkish Airlines waxay aheyd diyaaradda kaliya ee caalami ah ee tagta Muqdisho, taasi oo u suurta-gelisay inay shacabka saarto qiimo aad u badan marka loo eego duulimaadyadeeda kale, maadaama aysan shacabka haysan ikhtiyaar kale.

Tusaale, qiimaha duulimaadka Istanbul-Muqdisho wuxuu laba mar ka badnaa kan Istanbul-Nairobi inkasta uu saacado gaaban yahay kan Muqdisho, maadaama marka laga yimaado Istanbul ay Muqdisho ka dhowdahay Nairobi. 

Hadda oo ay Muqdisho tagaan diyaarado kale oo caalami ah sida Qatar Airways iyo Ethiopian Airlines, qiimaha ayaa hoos usoo dhacay.