Muxuu taliyaha cusub ee NISA Mahad Salaad horey uga yiri dilkii Ikraan Tahliil Faarax?

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ayaa loo magacaabay Taliyaha Hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka.

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa ayaa ansixiyay magacaabida taliyaha cusub.

Waxaa si kumeelgaarka ah horey taliaha nabad sugida u ahaa xildhibaan Yaasiin Farey. Hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ayaa ah mid ka mdi ah rukana ugu waawayn uguna muhiimsan laamaha ammaanka dalka.

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad waxaa uu ka mid ahaa xildhibaanadii hormuudka ka ahaa u ololeyntii sidii ay cadaalad u heli lahaayeen qoyska Ikraan Tahliil.

Markii bishii November uu soo baxay warka ku saabsan dilka Ikraan Tahliil ayaa waxaa uu Mahad Salaad shaki galiyay cidda ka dambeysa dilka isaga oo taliyihii xilligaasi ee Nisa Fahad Yaasiin ku eedeeyya dilkeeda.

“Al-Shabaabka Fahad Yaasiin sheegay in ay dileen Ikraan Tahliil waa ISAGA. Isagaa dilay, duugayna Ikraan Tahliil. Ehelada Ikraan waxaan kula talinayaa in ay furtaan gal dacwadeed Fahad ka dhan ah,” ayuu ku yiri qoraal uu bartiisa Facebook soo dhigay.

Mr Mahad ayaa marar badan ku celceliyay waqtii ay doonto ha qaadatee in Ikraan iyo qoyskeeda ay caddaalad heli doonaan.

“Qof anaga naga mid ah inta uu nool yahay insha allah kiiska Ikraan Kama hari doono inta caddaalada la horkeenayo dambiilayashii shaarka dowladeed idinku dhibaateeyay” ayuu 24 March ee sanadkan ku soo qoray bogiisa Facebook.

Maadaama imika loo magacaabay taliyaha hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka, ma cadda tallaabada uu Mahad Salaad qaadi doono ee ku aadan kiiska Ikraan Tahliil.