25.8 C
Mogadishu
Monday, June 23, 2025

Muqdisho oo kala xiran iyo 7 musharax oo khudbad jeedinaya

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wadooyinka ugu muhiimsan ee caasimadda Muqdisho ayaa maanta ah kuwo xiran oo haawanaya, shacabka ku nool Magaalada Muqdisho ayaa ah kuwo cagtooda maalaya.

Wadada Maka Al-Mukarama, tan Sodonka iyo wadooyin kale oo ka tirsan Magaalada Muqdisho ayaa xiran, waxaana wadooyinka lagu arkayaa ciidamo isugu jira Nabad Suggid, Boolis iyo Millateri.

Sababta ugu weyn ee maanta loo xiray wadooyinka Magaalada Muqdisho ayaa la xiriirta dhageysiga Khudbadaha Musharaxiinta Madaxtinima doonka ah.

Shacabka qaarkii ayaa aad uga xumaaday in wadooyinka Magaalada kuwooda ugu muhiimsan ay shacabka adeegsadaan la xiro.

Musharaxiinta Khudbadaha jeedin doona maanta oo Sabti ah ayaa waxaa kamid ah:

1-Cabdinaasir Cabdulle Maxamed

2-Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame

3-Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole)

4-Cabdulaahi Cali Axmed (Cadow Cali Gees)

5-Cabdullaahi Ciilmooge Xirsi

6-Cali Xaaji Warsame

7-Cabdulkhaadir Cosoble Cali

Khudbadaha ayaa waxaa lasoo gunaanudayaa maalinta Axada ah oo ay jeedin doonaan Musharaxiin dhan 8 kuwaa oo noqon doona qeybta ugu danbeysa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News