Ra’iisul wasaare caan ah oo dalka Mareykanka lagu fadeexeystay

Washington DC (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Norway Kjell Magne Bondevik, ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in la’iska indho-tiro xasaanaddiisa qof ahaaneed, isla markaana su’aallo lagu weydiiyo garoonka magaalada Washington.

Hoggaamihii hore ee Norway ayaa waxaa qabtay sharciga cusub ee uu Donald Trump ku soo roggay dadka u soo safraya Mareykanka.

Kjell, ayaa saddex sano ka hor booqday dalka Iran, waana sababta keentay in lagu hakiyo garoonka diyaaradaha Washington.

Mudane Magne Bondevik, ayaa ra’iisul wasaare ka soo noqday Norway intii u dhaxeysay 1997-2000 iyo 2001-05.

Waxaa la qabtay kadib markii uu wakiilka macamiisha garoonka arkay baasaboorkiisa diblomaasiga oo ay ku dheggan tahay shaabadda dal ku galka Iran, xilli sidoo kale ay baasaboorka ka muuqatay inuu ahaa ra’iisul wasaarihii hore ee Norway.

“Inkastoo aan fahamsanahay cabsida ka imaaneysa qolyaha lidka ku ah amniga, haddana ma garan karo sababta keentay in aan laygu qiimeynin xasaanaddeyda diblomaasi” sidaas ayuu yiri, ra’iisul wasaarihii hore ee Norway.

“Waan yaabay, waana xanaaqay,”ayuu yiri, ” hoggaamiyaal kale oo caalamka ah ayay sidaan ku qabsatay Mareykanka, mana ahan wax loo dul-qaadan karo, waa in sidaan wax laga baddelaa oo aan helnaa qiimeynta aan mudannahay”.

Madaxweynaha cusub ee Mareykanka ayaa is-baddel saammeyn yeeshay ku sameeyay arrimaha socdaalka, isagoo si gooni ah xayiraad dhanka safarka ah ugu soo roggay muwaadiniinta ilaa iyo 7 dal oo ay ku jirto Soomaaliya.

In muwaadin u dhashay Yurub oo waliba soo noqday ra’iisul wasaare, haddana xulafo dhow la ahaa Mareykanka su’aallo lagu weydiiyo garoomada diyaaradaha, waxay daliil u tahay in halis badan ay wajahayaan dadka asal ahaanta ka yimaada dalalka Islaamka oo awalba bartilmaameed gooni ah u ahaa Donald Trump.

W/Q: Mohamed Osman Xabiib, Sweden