Muqdisho (Caasimada Online) War hadda soo dhacay wuxuu sheegayaa in caawa qarrax lagu weerraray ciidamada dowladda ee ku sugan xaafadda Ceymiska ee degmada Yaaqshid ee magaalada Muqdisho.
Inta la ogyahay seddax qof ayaa ku dhintay oo labo ka mid ah yihiin ciidamada dowladda, tira intaas ka badana waa ay ku dhaawacmeen.
Qaraxa marka uu dhacay waxaa goobta soo gaaray ciidamo ka tirsan dowladda kuwaasoo baaritaan ka sameeyay goobta, waxaana ay soo qabqabteen dhowr qof oo u badan dhallinyaro.
Magaalada Muqdisho habeenadii ugu dambeeyay waxaa ka dhacayay qaraxyo iyo dilal qorsheesan, waxaana qaraxyadan ay ku soo beegmayaan iyadoo maanta madaxweynaha Soomaaliya uu ku dhawaaqay golaha ammaanka qaranka Soomaaliya.
Gollahan ayaa la sheegay in looga gun lee yahay in ay go’aan kama dambees ah ka qaataan howlaha ammaanka dalka.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho