Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia ka da’ ay roobab ay ku diirsadeen dadka iyo duunyada.
Roobkii xoogganaa ayaa waxaa ay xalay iyo saaka biyo dhigeen waddooyinka waaweyn ee dhexmara magaalladda.
Roobabka ayaa khasaarooyin kala duwan gaarsiiyay dadka barakacayasha ah ee ku nool qeybo kamid ah Magaalada muqdisho.
Qaar kamid ah waddooyinka ayaa xiran, waxaana laamiyada qaar ay yihiin kuwo ay buuxaan biyo fara badan.
Xeryaha ay ku jiraan dadka kasoo cararay abaaraha, ayaa waxaa sameyn xooggan ku reebay roobka, maadaama ay degan yihiin guryo ka sameysan cowshado.
Illaa 11 qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen roobka kadib markii Guryahooda ay ku soo dumeen qaarna uu daad qaaday.
Gawaarida dadweynaha qarkood ayaa la arkayay iyagoo aan gaareynin goobihii horay looga raaci jiray kaas oo dadka qaarkood ay cagtooda maalayaan.



