Sababta ka dambeysa xiisad ka xoogeysanaysa Muqdisho oo salka ku haysa qabiil

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa ka taagan xiisad wayn oo hareysay baraha bulshada ee Internet-ka , taas oo salka ku haysa arrimo qabiil, waxaana ay keentay in dhalinyarado ay noqdaan koox kooxo iska soo horjeedo.

Arrintan oo sii xoogeysaneysay maalmihii lasoo dhaafay ayaa keentay in dowladdu ay tallaabo qaado, ayada oo lasoo xiray gabdho iyo wiil caan ka ah barta TikTok, kuwaas oo loo haysto kicin bulsho, waxaana haatan lagu wadaa in lasoo taago maxkamad.

Haddaba, maxay tahay Sababta ka dambeysa xiisad soo xoogeysanaysa ee salka ku haysa qabiilka?

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo qoraal soo saaray ayaa marka hore sheegay in xiisaddan qabiil ay keentay jiheyn la’aanta dhalinyarada Soomaaliyeed, wuxuuna sidoo kale intaasi ku daray in xittaa dad waa wey ay haatan ku biireen xiisadda.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in arrintan ay ugu wacan tahay danayn la’aan la xariirta ka qaybgalka arrimaha siyaasadda iyo inay shacabka ka go’een geeddi-socodka siyaasadda.

Cabdiraxmaan Cabdishkuur ayaa ugu baaqay madaxda dowladda inay arrintan soo farogeliyaan, isla markaana ay la yimaadaan istiraatiijiyada ay ku noolaynayaan ruuxda siyaasadda ee shacabka

Hoos ka akhriso qoraalka oo dhameystiran:-

Maalmahan waxaa soo xoogaysanaya dhallinyaro xiisad kicin qabiil iyo ficiltan qabyaaladeed ku hawlan, waxaa ka sii daran in aad arkayso dad waayn oo qayb ka ah.

Sababo badan ayaa loo tiirin karaa, laakiin waxaa ugu muhiimsan shaqo iyo jihayn la’aan iyo wacyi xumi.

Firaaqan waxaa keenay danayn la’aan la xariirta ka qaybgalka arrimaha siyaasadda iyo in shacabkii ka go’ay geeddi-socodka siyaasadda, sababtoo ah waxay aamineen in ficilkoodu ama ra’yigoodu uusan wax isbeddel ah ama saamayn ah ku lahayn go’aanada siyaasada.

Waxay ka niyad-jabeen siyaasiyiinta guud ahaan iyo hoggaanka dalka oo ku guuldaraystay in uu abuuro ruux dadwaynuhu ay siyaasadda kula falgalaan, waxaana daciifay kalsoonida lagu qabo iyo aaminaadda loo hayo siyaasaga iyo siyaasada intaba.

Haddaba madaxda dalka waxaa looga fadhiyaa in ay la yimaadaan istiraatiijiyada ay ku noolaynayaan ruuxda siyaasadda ee shacabka, ku jihaynayaan dhallinyarada, kagana weecinayaan qabyaaladda. In muwaadinku si firfircooni leh uga qaybqaato hawlaha siyaasadda, waxay muhiim u tahay dhismaha dawlada, xasiloonida iyo nabada, la xisaabtanka siyaasiyiinta iyo qaabaynta siyaasadaha guud.