25.2 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Muqdisho: Waxaa jawaabtay Idaacaddii lagu eedeeyey addoonsinimada

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)  Madaxa Xuquuqul insaanka Hey’ada Inxa Maxamed C/raxmaan Maxamuudoo ka jawaabayay eedeyn kaga timid Mas’uuliyiinta iyo Wariyaasha ka howl gali jiray Radio Xumro , taas oo ku aadaneyn in hey’adu ay musuq maasuqay Mushaaraadkoodi Muddo 9 Bilood ah ayaa aritaas wuxuu ku tilmaamay mid waxba kama jiraan ah.

Wuxuu sheegay in arintan ku aadan Radio Xurmo iyo Mushaar  la’aanta Shaqaalaha iyo Xirnaanshiyaha Idaacaduba ay yihiin qorshe lasoo abaabulay , waxaana uu tilmaamay in arinta sida loo buun buuniya inaysan aheyn.

Wuxuu qiray in xilliyada qaar ay dhici karto in Mushaaraadka Shaqalaha ay soo daahaan balse taas micnaheeda aysan aheyn in laga musuq maasuqay Xaquuq ay iyagu lahaayeen , waxaana carabka uu ku adkeeyay in Xaqooda ay helayaan taasna ay tahay mid waajib ah .

Hey’ada inxa ayuu tilmaamay in iyada qudheedu ay sii hoostagto Hey’ad kale oo la yiraahdo Novid oo Africa oo dhan u qaabilsan dhanka gar gaarka bini aadabimada , waxaana uu shaaca ka qaday in shaqsi uusan wax sameyn balse arintu ay tahay mid guud.

Abshir Maxamed Aadan oo Muddo Bil ah Agaasime ka ahaa Radio Xurmo ayaa sheegay in xiliigii halkaas uu agaasimaha ka ahaa  uu la kulmay dhibatooyin Dhanka Bini Aadanimada ah Xilli uu la hadlayay Radio SKY FM .

Wuxuu sheegay in nolosha ay ku jireen raggii idaacadaas ka shaqeyay ay kasii hooseysay kuwa gumeysagi ku hoos nool sida uu hadalka u dhigay , Waxaana bur burka idacadaas uu ku tilmaamay mid qorsheysnaa Xuquudii shaqaalahana la lunsaday.

Radio Xurmo ayaa ahaa Radio inta badan ka hadlay isla-markaana diirada Saara arimaha Bini Aadanimada inkastoo iminka al-baabada la isugu laabay Arimo la xiriira dhaqaale la’aan shaqaalaha idaacadaas soo food saartay waayihii dambe.

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News