Arin Shacabka uwanaagsan una Daran Ciidamada DF oo laga dhawaajiyay

Muqdisho (Caasimada online) Sida ay shaasciyeen Saraakiisha Ammaanka maamulka Gobolka Banaadir , Ciidamada dowlasda Soomaaliya ayaa wajihi doona Tilaabo adag oo sida la sheegay laga qaadi doono Askarigii lagu arko isagoo dhibaateynaya Shacabka Soomaaliyeed Gaar ahaan kuwa Muqdisho.

Guddoomiye ku xigeenka dhanka ammaanka ee maamulka Gobalka Banaadir Warsame Maxamed Xasan (Warsame Joodax) oo laha dlay warbaahinta ayaa tilmaamay  in ciidanka Dowladda qaarkood ay dhibaato ugeystaan dadka shacabka ah, Balse arintaas aan la isaga hari doonin Sida uu shaaca ka qaada.

Maamulka Gobolka Banaadir ayuu sheegay inuu haatan ku mashquulsan yahay sidii uu Tilaabo adag kaga qaadi lahaa Ragga Labisan dareeska Ciidamada dowlada Soomaaliya ee dhaca u geysta Shacabka reer Muqdisho , waxaana uu sheegay in Isbadal badan oo arimahan ku aadan inay wadaan maamulku.

Qaar ka mid ah degmooyinka Muqdisho Shacabka ku nool ayaa inta badan Muujiya Cabasho ku aadan, dhac iyo Dhibaatooyin ay u geystaan rag dareeska ciidamada dowlada ku labisan , waxaana dhowaan arintaas mar qaati ka caya Sarkaal ka tirsan Ciidamada dowlada ee Degmada Hodan , oo sheegay inay Cabasho badan soo gaartay .

Wuxuu sheegay in askarta Degmada Hodan ay dadka dhacaan, sidoo kalena ay dilaan oo aan waxba laga qaadin, taasi oo muujinaysa sida ciidanka ay dadka u dhibaateyaan , Inkastoo Maamulka gobolka Banaadir  gaar ahaan kuwa dhanka amnigu ay sheegeen inay wax ka qabanayaan.

Dhibaateynta Shacabka iyo dhaca Ciidamada dowlada ay kula kacayaan Shacabka ayaa loo sababeeyaa inta badan Mushaaraadka Ciidamada oo soo daaha iyo dhaaqaalaha ay ku shaqeeyaan oo aan kaafin  noloshooda sida dad badan ay aamin san yihiin.

 

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com