Sawirro laga qaaday kooxdii Westgate oo toogasho fulineysa oo soo baxay

Nairobi (Caasimada Online) – Dhacdadii West Gate, ayaa noqotay mid ay saameynteeda weli taagan tahay, ayada oo maalinba ay soo baxayaan dhacdooyin iyo faah faahinno cusub oo la xiriira.

Waxa amaanta markii ugu horeysay soo baxay sawirro ay qaaday kaamirada CCTV (Closed-circuit television), oo ku dhaganeyd xarunta West Gate. Closed-circuit television, haddii aadan weligaa maqal waa kaamirooyinka lagu xiro goobaha ganacsiga, ee duuba dhammaan muuqalada goobtaas iyo hareeraheeda, kadibna u gudbiyey TV yar, oo goobta dhex yaalla, si hadhow dib looga eego muuqaalada.

Muuqaallada CCTV-ga West Gate, ayaa muujiyey qaar ka mid ah kuwii weerarka geystay oo fulinaya toogasho iyo dadkii ay meel isugu geeyeen oo ay la heestayaal ahaanta u haysteen.

Arag Sawirrada:

cctv 1wald-collect-mall6.JPGwald-collect-mall4.JPG

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com