Muqdisho: Xukun adag oo laga soo saaray kiiska dil ka dhashay muran siyaasadeed

Muqdisho (Caasimada Online) – Dable Xoogga Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Tookiyo) oo loo soo xiray dil bareer ah oo u geystay marxuum Cabdijabaar Maxamed Xasan Labo ayaa waxaa maanta xukun adag laga soo saaray kiiska dilkaan.

Tookiyo ayaa laba iyo tobankii bishii August 2022-ka ku dilay Cabdijabaar maqaayad lagu shaaho ee kutaal isgooska Tarabuunka ee degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.

Muran salka ku haayay siyaasad oo soo kala dhex-galay marxuumka iyo Cabdiraxmaan Tookiyo ayaa gaartay gacan ka hadal uu midi kaga dhuftay wadnaha iyo daanka.

Eedeysanaha oo baxsad ka ahaa gacmaha sharciga ayaa soo gacan galay siddeed iyo labaatankii bishii January ee sanadkaan 2024-ka

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidmada ayaa codsaday qaadista kiiskan waxaana laga ogolaaday siddeed iyo tobankii bishii February ee sanadkaan.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada oo waqti ku filan siiyay dhinacyada dacwadda ayaa ugu dambayn maanta ku xukuntay Dable Xoogga Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Tookiyo) dil toogasho ahna qisaasta Marxuum Cabdijabaar Maxamed Xasan.

Sida uu maanta warbaahinta u sheegay Garsoore Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada.