Xog: Farmaajo oo ku wajahan Garoowe + Qorshaha socda

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maalinta berri ah lagu wadaa inuu tego caasimada maamulka Puntland ee Garoowe.

Wafdi hordhac u ah madaxweynihii hore ayaa maanta gaaray magaalada Garoowe, sida ay ogaatay Caasimada Online, waxaana maalinta berri ah u ambabixi doona Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo.

Magaalada Garoowe ayaa waxaa laga dareemayaa qaban-qaabada soo dhaweynta wafdiga Farmaajo, xilli uu dhawaan si adag uga hadlay qorshaha madaxweyne Xasan Sheekh ee dastuurka, oo la aaminsan yahay inay isku aragti ka yihiin Saciid Deni oo isna horey si adag uga horyimid.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Farmaajo ayaa marka uu gaaro Garoowe waxa uu kulamo gooni-gooni ah la qaadan doona madaxda maamulkaasi oo uu ugu sareeyo madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni.

Xogaha ayaa intaas kusii daraya in Farmaajo uu isku dayayo in Saciid Deni uu ku qanciyo isbaaheysi siyaasadeed mucaarad ah oo ka dhan ah dowladda madaxweyne Xasan Sheekh, kaasi oo ay ka wada socdaan madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed.

Labada nin ayaa xilligaan ka mideysan diidmada qorshaha dhameystirka dastuurka ee uu wado madaxweyne Xasan, waana qodobka la aaminsan yahay in uu ka bilaaban karo is-xulefysiga labada dhinac.

Socdaalka uu madaxweynihii hore ee Farmaajo uu ku tegayo Garoowe ayaa imanaya xilli uu halkiisi yahay khilaafka madaxweynaha Puntland Saciid Deni kala dhaxeeya madaxweyne Xasan Sheekh.

Deni ayaa la xasuusta inuu si weyn u mucaaraday dowladdii Farmaajo intii ay ku jirto muddo xileedkeeda, lamana oga in Farmaajo uu xilligaan ku qancin doono isbaheysiga cusub ee ay ku mideysan yihiin isaga iyo Shariif, islamarkaana la rabo in Xasan Sheekh looga hortago.

Si kastaba, shirarka ay Garoowe ku yeelan doonaan Farmaajo iyo Deni ayaa noqonaya kuwa si weyn looga dhursugo, kaasi oo kusoo aadaya xilli xasaasi ah oo madaxweyne Xasan uu ku dhagan yahay qorshaha wax ka beddelka dastuurka, ayna baarlamaanka ka socoto dooddiisa.