Muqdishow iyo Ibnu Battuuta (Qeybtii 3-aad)

Asad Cabdullahi MataanBy Asad Cabdullahi Mataan

Muqdishow iyo Ibnu Battuuta

Socdaalkii Ibnu Battuuta 1325-1354

Tarjume: Xassan Xayle

Qaybta Saddexaad: gabagabda socdaalkii Ibnu Battuuta ee Muqdishow

Kulanka Mashuurada Kowaad & labaad

Qaabkaas iyagoo u wada socday ayay galeyn, Mashuurada[-11]; ka dibna,iyagoo kala danbeeya ayaawaxaa marka ugu horefariistay wassiirada, waxaa ku xigsaday madaxda iyo taliyayaasha askarta.  Qaadiga waxaa loo fidiyay ama loo dhigay gogol u gaar ah oo uuysan qof kale kula fariisan; waxaana fadhiga joogay fuqahada iyo dad sharaf iyo xurmo leh. Sidaas ayuu xaalku ahaa ilaa waqtiga Salaadda Casir la gaaray; goortaas oo dhammaan dadkii goobta joogay ay Sheykha oo imam u ah la tukadeyn slaadda Cassirka.

Salaadda markii la tugaday ka dib, ayaa askartu u joogsatay safsaf, iyagoo u kala horeeyay sida ay u kala darjo sareeyaan. Markaas ayaa waxaa la tumay durbaano, waxaa la yeeriyay boon iyo Al-Siyrinayaat[-12].

Inta qalabkaas la garaacayo qof walba meesha uu taaganyahay iskama dhaqaajinyo, mana sameynayo wax nuuxnuuxsi ah; dadka kale qofkii socda islamarkiiba halkiisa ayuu istaagayaa, isagoo horey ama gadaal aan dhinacna u baxeyn. Markii garaaca buunka iyo durbaanka la joojiyo ayaa dadku is-wada salaamayaan iyagoo yeelaya qaabkii aan horey usoo sheegay, (Sida ay reer Yemen isku salaamaan), ka dibna kala tagaya isagoo qof walba danahiisa u dhaqaaqaya ama halkii aw u socday aadaya

Maalin kasta oo Jimco ah, dadka Maqdasho, cadadoodu sidaas ayay tahay. Maalinta xigta ee Sabtiga ah, dad kala duwan ayaa kusoo urura albaabka guriga Sheykha. Waxay fariistaan waabab ama daashash ku yaal meel ka baxsan daarta Sheykha. Qaadiga ayaa noqda qofka ugu hor gala halka uu Sheykhu fariisto, iyadoo ay culimadu ku xigsadaan; markaa ka dib ayaa waxaa gala ikhyaarta iyo dadka sharafta leh. Sidoo kale waxaa fadhiga soo xaadira duqeyda iyo xujeyda.

Fadhiga kale, (Maalinta xigta) oo ah Mashuurada Labaad [-13] ayaa wada tashi loo fariistay. Dadka goobta yimid waxay ku fariisteen kuraas ka sameysan qoray (Alwaax), oo fadhiga loogu talo galay. Qaadigu waxuu fariistaa kursi u gaar ah. Sidaas oo kale ayay qolo kasta oo ka mid ah dadka mashuurada yimid ay meel u gaar ah, oo aan cid kale la wadaageyn ama dhex galeyn, u fariisteen

Intaa ka dib, waxaa fadhiga soo galay Sheykha oo markiiba fariistay meel isaga u gaar ah. Waxuu u yeeray Qadiga oo dhinaciisa bidix fariistay. Markaa ka dib ayaa waxaa soo joogsaday culimada fuqahada ah oo ninka ugu da’da weyn hor fariistay Sheykha, intooda kalane inta salaameyn Sheykha ka baxay fadhiga

Markaa ka dib, waxaa soo kacay ikhyaarta iyo dadka sharafta leh oo ninka ugu da’da weyn uu hor fariistay Sheykha, intooda kalena markii ay salaan gacan qaadeyn ka baxeen goobta fadhiga

Sidaas oo kale ayaa duqeyda iyo dadka xujeyda ah ay yeeleyn; iyadoo qofkooda ugu dhalinta weyn uu hor fariistay Sheykha, intooda kalena markii ay salaameen, iyaguna, ka baxeen fadhiga

Intaa ka dib, waxaa fadhiga soo galay, iyagoo isku xiga, wassiirada, madaxda, taliyayaasha askarta. Waxay salaameyn Sheykha ka dibna way baxeyn.

Waxaa dadka fadhiga ku haray loo keenay cunto. Qaadiga iyo ikhyaarta kale waxay wax la cuneyeen Sheykha. Waxaa kale oo fadhiga ka cunteeyay cid kasta oo goobta joogta ama fadhiga ku hartay

Haddii Sheykhu doono inuu, si gaar ah u, sharfo qof ka tirsan madaxda dowladda, waxaa qofkaas looga yeeraa halka uu Sheykhu fadhiyo si uu ula cunteeyo

Guud ahaan, dadka kale ee goobta yimid waxay ka cunteyeen Daaru Al-dacaam [-14],iyagoo u galay daarta sidii ay ugu kala horeyn markii ay galayeen fadhiga mashuurada

Xaalku markuu sidaas ku dhammaaday, ayaa Sheykhu u kacay dhinaca daartiisa. Qaadiga, wassiirada, kaatibu Al-sir [-15], iyo afar nin oo ka tirasan madaxda sare ee dowladda ayaa u fariistay xukun ay ku kala saarayaan dad arrimo isku heysta

Waxyaabaha dadku isku heystaan ee ku saabsan Shareecada, Qaadiga ayaa xukunkooda marinaya. Waxii intaas kasoo hara oo arrimo kale ah, waxaa ka talo bixinaya dadka Ahlu shuurada ah oo ka kooban wassiirada iyo madaxda dowladda

Arrimaha waxii looga maarmiwaayo talada Suldaanka, qoraal ahaan ayaa loogu diraa, isagoo, islamarkiiba, jawaaba ku saabsan arrinta dusha uga soo qoray bidaaqad [-16]. Sidaas ayay aheyd cadadoodu mar kasta

Ibnu Battuuta, ka dib, markii aw u dhamaaday socdaalkiisa Muqdishow, waxuu u anba- baxay, isagoo raacay markabkii uu ku yimid, dhinaca Bilaadu Al-Sawaaxil [-17], waxuuna booqasho ku tagay magaalooyinka Mumbaasa iyo Kilwa oo ku yaal xeebaha Bariga Afrika

[-11] Mashuurada: erayganwaxuu tusinayaa ama xiriir u yahay dhawr macno oo assalkoodu mid yahay sida talo, wada-tashi ama goob lagu tashanayo (Counselling, Consultation); sidoo kale waxii talo ka soo baxa ama uu tilmaamo qof ah khabiir, dhaqtar, la taliye ama guddi arrin loo xil-saaray, -Fadhiga Golaha Ummadda, shirarka iyo kulamada guud, (Congress), dhammaantood waxay soo galayaan macnaha uu bixinayo erayga Al-mashuurah

[-12] Al-siyrinayaat: waa aalad ama qalab, (Device) markii la afuufo dhawaq bixiya. Waxuu noqon karaa nooc hore oo buuqa, (Trumpet) ka mid ah

[13] Mashuurada labaad: waa kulan labaad ee loo fariistay shoor iyo wada-tashi

[-14] Daaru Al-dacaam: waa dhismo gudihiisa lagu cunteeyo sida maqayadaha casrigan oo kale

[-15] Kaatibu Al-sir: waa qofka xogta diwaan galiya ama qora waxii fadhiga looga hadlo

[-16] Bidaaqad: waa waraaqad yar oo macluumaad, (Informations) gaar ah lagu qoray

[-17] Bilaadu Al-sawaaxil: waa wadamada ku yaal xeebaha Bariga Afrika, (Casrigan waa Keynay iyo Tanzaniya); Mumbaasa waa magaalo xeebeed iyo xarunta dhaqanka Islaamka ee Kenya. Kilwa ama Kilwa-kiswani waxay aheyd xarun aad u weyn oo ay dageyn Muslimiin ka timid dhulka Beershiya, (Iran) iyo koofurta Jassiirada Carabeed oo heystay ama rumeysan madhabka Shiicada Seydiyada, halkaas oo ay ka aassaaseen Imaarada Islaami ah bartamahii Qarniga 4-aad ee Hijriga oo ku beegan Qarniga 10-ad ee Miilaadiga

Mahad balaaran iyo qadarin weyn waxaa iga mudan oo aan u jeedinayaa dhammaan ikhyaarta maamula ama tifatirayaasha ka ah WEBSITE-yada & Media-da Soomaaliyeed ee kala duwan,gaar ahaan, sida quruxda badan oo ay ugu bandhigeen aqristayaasah sharafta leh qoralkan tarjumada ah ee ku saabsan socdaalkii Ibnu Battuuta ku Yimid Soomaaliya,(Magaalooyinka Seylac & Muqdishow), isagoo muddadii  usbuuc aheyd ee uu joogay Muqdishow waxyaabihii uu arkay ku qoray Kitaabkiisa caanka ah; qoraalkaas oo muujinaya, islamarkaana u ah marqaati taariikheed ilbaxnimada iyo hormarkaii ka jiray Soomaaliya waayahaas fog

Waxaa kale oo aan mahad u celinayaa aqristayaasha sida gaarka ah cinwaanka E-mail-ka igala soo xiriiray iyagoo bogaadin iyo dhiirigalin ii muujinaya; qaarkoodna ay iga codsadeen inaan TARJUMADA qoraalka ku dhaqsado, qaybaha uu ka kooban yahayna si degdeg ah u shaaciyo!

Tarjume: Xassan Xayle [hassanhaile@hotmail.com].