Muran ka taagan dhul ku yaalla Muqdisho iyo DF oo ku lug leh (Daawo)

Waxaa sii kordhayo muranka ku aadan dhul ku yaal agagaarka Beerta Jaadka lagu iibiyo ee Magaalada Muqdisho oo lagu magacaabo (Muuri)  halkaas oo la doonayo in laga bixiyo dad badan oo shacab ah oo halkaas daganaa muddo 30 Sano ah.

Nin ganacsade ah ayaa sheegay  inuu iibsaday Dhul uu lahaa Nin Talyaani ah balse ay deganaayeen burburkii dalka kadib dad Danyar ah kuwaasoo oo laga barakicinayo Xaruntii hore ee Muuri, balse dadka deegaanka ayaa sheegay in taasi tahay cudur daar dhulka looga kicinayo.

Guddi ay sameysteen dadka dagan xarunta Muuri oo la hadlay Saxaafadda ayaa sheegay in si sharci darro ah dhulka looga kicinayo isla markaasna la doonayo in laga iibiyo ganacsade Soomaaliyeed..

Guddigaan ayaa sheegay in la xiray Guddoomiyihii xiradaas Cabdi Saciid Nuuxa, waxayna sheegeen in muddo 40 Berri ah uu ku xiran yahay Gaalshire iyadoo aan lasoo taagin wax Maxkamad ah lana caddeyn sababta rasmiga ah ee lagu xiray.

Garaad Cabdiqani Nuur oo kamid ah Odayaasha deegaankaas ayaa sheegay in dhulkaas si sharci daro ah looga bixinayo, wuxuuna carabka ku dhuftay inay halkaas daganaayeen muddo 30 sano ah.

Garaadka ayaa sheegay inaysan wax dood ah ka qabi laheyn haddii ay dowladda Soomaaliya si sharci ah uga bixineyso Xarunta Muuri, balse wuxuu muujiyey inay jiraan qaab dadban oo lagu doonayo in dhulkaas lagu boobo, sida uu hadalka u dhigay.

Nabadoon Muxyadiin Yuusuf Faarax oo isna ka hadlay Shirkii Jaraa’id ee lagu qabtay Xarunta Muuri ayaa sheegay inay  ganacsatada dooneyso inay dhulka la wareegaan ay markii hore usoo bandhigeen inay qoys walba oo halkaas dagan siinayaan 20 Kun oo Dollar si ay meeshaas uga baxaan, wuxuuna sheegay inay codsigaas diideen, isagoo sheegay in loogu hanjabay in dhulkaas si xoog ah looga bixin doono.

Nabadoon Cabdi Maxamed Cali oo isna goobtaas ka hadlay ayaa sheegay inay Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir waydiiyeen sababta loo xiray guddoomoyahooda, wuxuuna sheegay in loogu jawaabay inaan lasii deen doonin ilaa ay isaga guuraan Xarunta Muuri.

Dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Gobolka Banaadir ilaa hadda si rasmi ah ugama hadlin muranka ku saabsan dhulkaas ay daganaayeen dad shacab ah iyo haddii ay dowladda Soomaaliya amartay in meeshaas la baneeyo.

Hoos ka daawo cabashada dadkan