Murankii ugu weynaa oo ka taagan haddii ay xubnaha aqalka sare ka mid noqon karaan wasiirada

Muqdisho (Caasimada Online)- Waxaa maalmihii ugu dambeeyey la hadal hayey arrinta ku aadan haddii xubnaha aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya ay ka qeyb geli karaan wasiirda cusub iyo haddi uusan sharciga u ogoleyn.

Haddaba Caasimadda Online ayaa arrintaas soo baartay waxayna soo ogaatay inuusan jirin sharci ama qodob u diidi karo xubnaha aqalka sare inay kamid noqdaan golaha wasiirada maadaama uusan aqalka sare laheyn xeer hoosaad.

Sidoo kale Dastuurka kumeel gaarka ah ee dowladda Soomaaliya ayeysan jirin qodob ku qoran oo diidayo inay xubnaha aqalka sare ka mid noqdaan golaha xukuumadda cusub ee uu Kheyre soo magcaabi doono.

Muranka ku aadan arrintaan ayaa timaaday markii ay shaqsiyaadka kamid ah aqalka sare ay codsi geysteen xafiiska Ra’isulwasaaraha si looga dhigo wasiir, waxayna markii hore wararka sheegayeen inay lagama maarmaan tahay inuu qofka iska soo casili xubinimada aqalka sare balse midaas ma jirto meel ay ku qoran tahay.

Guddoonka labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa xubnaha aqalka sare usoo jeediyey inay iska dhaafaan codsiyada ay geysanayaan  xafiiska Ra’isulwasaaraha si ay uga mid noqdaan golaha wasiirada cusub.

Guddoonka labada aqal ayaa soo daliishanayo inuusan shaciga adduunka qoreyn inay golaha aqalka sare ka mid noqdaan xukuumadda iyo awood fulina sidaas darteedna ay ka codsanayaan inay arrintaas joojiyaan.

Siyaasiyiinta isku soo taagay xilalkaas ayaa ka biyo diiday codsiga guddoonka labada aqal waxayna go’aan ku gaareyn inay sii wadaan doonista xilalkaas iyagoo ku andacoonayo inuusan jirin sharci Soomaaliya ka jiro oo diidayo inay kamid noqdaan golaha wasiirada cusub.

Arrintaan ayaa kusoo aadeyso xilli Ra’isulwasaaraha iyo madaxweynaha ay horey go’aan uga gaareyn inay wasiirada kasoo muuqdaan Xildhibaan lamana ogo sida ay u aqbali karaan in shaqsi ka tirsan aqalka sare uu ka mid noqdo golaha wasiirada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com