Xiisad u dhaxeyso maleeshiyaad kasoo jeeda Galmudug & Puntland oo ka taagan Mudug

Gaalkacyo (Caasimada Online)-Xiisad u dhaxeyso maleeshiyaad kasoo kala jeeda deegaanada Puntland iyo Galmudug ayaa ka taagan gobolka Mudug.

Xiisada ugu daran ayaa ka taagan deegaanka Godod oo ka tirsan gobolka Mudug, waxaana jirta baqdin laga qabo in deegaanka ay labada maleeshiyaad ku dagaalamaan.

Xiisada waxay ka dambeysay markii maleeshiyaad la sheegay inay kasoo jeedaan dhanka Puntland ay weerar ku dileen ruux xoolo dhaqato ah oo kasoo jeeda Galmudug.

Waxaase kasoo horeeyay xiisad kale oo ku saleysan dhul daaqsimeed oo u dhaxeysay labada maleeshiyaad beeleed.

Dadka ayaa sheegaya in ciidamo badan oo wata gaadiidka dagaalka lagu arkayo deegaanka Godod ee gobolka Mudug, taasi oo abuurtay cabsida dadka deegaanka ay qabaan.

Degaanka Godod ayaa inta badan waxaa ku dagaalama Maleeshiyaad kasoo kala jeeda maamulada Puntland iyo Galmudug oo xoolo dhaqato ah.

Ma jiro wax war ah oo kaso baxay baxay labada dhinac ee maamulkada Puntland iyo Galmudug, laakiin marar badan ayaa labada maamul waxay ku dagaalameen gobolka Mudug.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com