Mursal oo meel aan aheyn xarunta golaha shacabka uga dhawaaqay natiijadii maanta

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa xaqiijinaysa in maanta guddoomiyaha Golaha Shacabka ee baarlamanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, natiijada kalsooni kala noqoshada xukuumadda uu uga dhawaaqay meel ka baxsan fadhiga baarlamaanka.

Sideed xildhibaan oo aad u diidanaa kalsooni kala noqoshada xukuumadda Kheyre ayaa ku buuqay Guddoomiye Mursal, waxuuna ka istaagay kursigii uu ku guddoominayey kulanka, isagoo galay xaafiiskiisa halkaas oo loogu geeyay weriyaasha si uu ugu dhawaaqo natiijada.

“Codeyn ma dhicin, guddoomiyaha xafiiskiisa ayuu galay markii leesku buuqay kadibna cod ayaa laga soo duubay, isagoo ku dhawaaqay kalsooni kala noqosho waana xaaraan” ayuu yiri Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka Muqdisho warbaahinta kula hadlay.

Muuqaalka laga soo duubay guddoomiyaha ee ku dhawaaqista natiijada ayaa muujinaya inuu fadhiyo meel xafiis ah oo aan aheyn fadhiga baarlamaanka.

Buuq iyo sawaxan ayaa hareeyay kulankii maanta, waxaana la sheegay inuu ahaa mid aan loo marin waddo sharci ah, iyadoo ay jiraan doodo waa weyn oo arintaas ku saabsan.