MURSAL oo qoraal xasaasi ah u diray beesha caalamka

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxamaan ayaa warqad ku aadan doorashada soo socota 2020- illaa 2021-ka u diray xubnaha beesha caalamka.

Warqadaan ayaa sidoo kale looga hadlay sharciga doorashooyinka oo ay dhowaan ansixiyeen xildhibaanada baarlamaanka.

Guddoomiye Mursal ayaa xusay in sharcigaan uu waafaqsan yahay Dastuurka KMG ah ee dalka, islamarkaana uu muhiim u yahay doorashada la qorsheynayo.

Sidoo kale wuxuu xaqiijiyey in doorashadu ku dhici doonto waqtigeeda, islamarkaana muddo kororsi uusan jiri doonin.

“Sharciga ay ansixiyeen golaha shacabka wuxuu waafaqsan yahay dastuurka waxaana la filayaa in muwaadiniinta Soomaaliyeed ay si toos ah ugu doortaan xildhibaanada, waxaan sidoo kale jeclaan lahaa inaan kuu xaqiijiyo in xeerka doorashada uu noqon doono mid dhaqan gala waqtigiisa sanadka 2020/21-ka inkasta oo dhowr arrimood oo wali u baahan is waafajin siyaasadeed iyo dood dheer oo Baarlamaanku leeyahay, iyada oo looga doodi doono arrimahaasi fadhiyada golaha shacabka ee soo socda.” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay xafiiska guddoomiyaha golaha shacabka Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu intaasu ku daray “Degmooyinka iyo kuraasta xildhibaannada gole farsamo baarlamaaneed ayaa la sameyn doonaa mustaqbalka dhowr si loogu diyaariyo qabyo qoraal gaar ah oo ku saabsan qaababka loo adeegsan doono hagitaanka sida loo qeexi doono golaha shacabka iyo kuraasta loogu qoondeeyay goob walba”.

Ugu dambeyn wuxuu carabka ku dhuftay in guddiga doorashooyinka Qaranka ay haatan wadaan wadatashiyo guud oo ay la yeelayanayaan daneeyayaasha iyo dowlad goboleedyada, taas oo looga gol leeyahay, sidii loo qaban lahaa doorasho xor iyo xalaal ah.

“Guddigu diayarinta sharciga doorashooyinka waxay wada tashi ballaaran la yeelan doonaan daneeyayaasha ay quseyso oo ay ku jiraan dowladaha xubinta ka ah federaalka (FMS) ka dibna waxay u soo bandhigayaan qaraar soo jeedin ah kalfadhiga xiga ee bandhigayaan qaraar soo jeedin ah kalfadhiga xiga ee baarlamaanka.”

Doorashada Soomaaliya ee soo socota oo aan weli la’isku fahmin nooca ay noqoneyso ayaa waxaa jira is mari waa u dhexeeya dowladda iyo xubnaha mucaaradka.