25.6 C
Mogadishu
Wednesday, October 29, 2025

Mursal oo shaaciyay xog ka cusub safarkooda Baydhaba

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo maanta hadal kooban siiyay warbaahinta ayaa shaaciyay xog cusub oo ku aadan safarkooda ku aadan magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay, kaas oo baaqday todobaadkii hore.

Mursal ayaa shaaca ka qaaday in dalalb uga yimid Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ay dib ugu dhigeen safarkooda, illaa bisha November ee soo socota.

“Annaga safarkeenna ma baaqan Madaxweynaha ayaa naga codsaday illaa la gaaro bisha November halkaas ayay baahasho taagan tahay” ayuu yiri Maxamed Mursal.

Sidoo kale, wuxuu meesha ka saaray wararka la baahiyay ee ku aadan in Madaxweynaha Koonfur Galbeed uu diiday safarkooda, isagoo waxba kama jiraan ku tilmaamay arrintaas.

Xubnahan ayaa qorshahooda uu yahay in ay halkaasi ka bilaaban doorashooyinka qof iyo cod ee kula heshiiyeen Dowladda Federaalka Soomaaliya, si loo dhaqangeliyo heshiiska.

Ujeedka safarkodoa ayaa sidoo kale la xiriira in ay furaan xarun uu xisbgooda ku yeelanayo Baydhaba, si ay uga qeyb qaataan doorashada dadweynaha ee la qorsheeyay in dalka ka dhacdo.

Waxaa kale oo ay ku doodeen in xisbigooda uu xuquuq ahaan la mid yahay xisbiga uu hoggaamiyo Madaxweyne Lafta-gareen, ayna u siman yihiin magaalada Baydhaba.

Arrimahan ayaa imaanaya xilli, Guddiga doorashooyinka qaranka ay shaaciyeen in 30-ka bisha November ee sannadkan la qabanayo doorashada dowladaha hoose.

Horey qorshuhu wuxuu ahaa in doorashooyinka goleyaasha deegaanka ay bilowdaan dhammaadka bishaan October, balse waxaa yimid dib u dhac, sababo la xiriira markii dib loo furay diiwaan-gelinta oo fursad loo siiyay xisbiyadii ay furteen qaar kamid ah xubnihii ka baxay Madasha Samatabixinta ee heshiiska buuxa la galay Madaxweyne Xasan Sheekh.

- Advertisement -

Read more

Local News