Museneni oo qaati ka taagan heesaa isku bedelay Siyaasi & Dhoof uu rabay oo xabsi loogu bedelay

Heesaaga caanka ah ee reer Uganda , isuna badalay siyaasiga, Bobi Wine ayaa laga hor istaagay in uu dalka ka dhoofo si baaritaan caafimaad ugu aado dalka dibediisa.

Bobi Wine oo ah xildhibaan mucaarad ah ayaa xabsiga loo taxaabay markale, waxaana todobaadkii hore lagu soo oogey dacwad qaran dumisnimo ah.

Tani ayaa waxa ay ka dambaysay kadib markii la dhagaxyeeyay madaxweyne Yoweri Museveni oo la socday kolonyo baabuur ah.

Maalintii isniinta, xaakim ayaa u ogolaaday damaanad kadib markii uu sheegay in uusan filanaynin in uu baxsado.

Robert Amsterdam oo ah garyaqaanka Bobi Wine ayaa sheegay in dib loo xirey, lagana xiray garoonka caalamiga ah ee Entebe.

Lama oga halka la geeyay, balse waxa uu Garyaqaanka sheegay in si xoog ah loogu ritey gaariga gargaarka degdega oo ay booliiska leeyihiin.

Bobi oo ku socda ulaha curyaamiinta ayaa isniintii kasoo muuqday maxkamadda, balse booliiska ayaa sheegay in aysan waxbo ka jirin sheegashooyinka ah in la jirdilay.

Ka hor xiritaankiisa, waxa uu Bobi Wine faafiyay sawir muujinaya darawalkiisa oo toogasho lagu diley, wuxuuna sheegay in isaga loo malaynayay.

Waxaase la xirey kadib markii uu isu soo bax ku qabtay magaalada Arua, halkaas oo sidoo kale dhagxaan lala dhacay kolonyo baabuur ah oo uu madaxweynaha la socday.

Waa kuma Bobi Wine?

Heesaagan caanka ah ayaa intii muddo ahba ahaa qodax dhinac kaga taagan madaxweyne Museveni, iyada oo markii lasoo doortay sanadkii hore ay taasi horseeday in 3 xildhibaan oo kale oo madaxbanaan lasoo doortay, kuwaas oo ka adkaaday dhammaan musharixiintii madaxa banaanaa.

Waxa uu sidoo kale hormuud ka ahaa ololihii looga soo horjeeday kordhinta sanadaha uu madaxweynaha xilka hayn karo.

Waxa uu sidoo kale qeyb ka ahaa olole lagu diidanaa sharci cusub oo ay dowladda kusoo rogtay baraha bulshada.

ISHA BBC