Qarax khasaaro kala duwan geystay oo caawa ka dhacay magaalada MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online)-Qarax xoogan ayaa waxaa caawa laga maqlay magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia kaa oo ka dhashay Miino loo aasay gaadiid ay la socdeen ciidamada AMISOM.

Qaraxa oo jugtiisa laga wada maqlay inta badan degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa caawa maqribkii ka dhacay xaafada Suuqa xoolaha ee degmada Heliwaa ee Gobolkaan Banaadir

Qaraxa ayaa waxaa lala eegtay kolonyo ay la socdeen ciidamo ka tirsan AMISOM oo ku socdaalayay Xaafada Suuqa Xoolaha waxaana ka dhashay khasaaro kala duwan.

Ciidamada AMISOM ayaa Qaraxa kadib ooda ka qaaday rasaas geysatay waxyeelo, waxa ayna horay usii wateen socdaalkooda.

Qaraxa ayaa waxaa la xaqiijiyay inay ku dhaawacmeen ilaa laba ruux, halka hal ruux oo shacabana uu ku dhintay.

Qofka dhintay ayaa la sheegay inuu ahaa Oday dhaqmeed lagu magacaabi jiray Hilowle, sida ay inoo xaqiijiyeen goobjoogayaal.

Qaraxa ayaa kusoo beegmaya xili bilowga todobaadkan Qarax ceynkaasi ah ciidamada AMISOM lagula eegtay degmada Heliwaa.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com