Sawiro: Mid kamid ah Isgoysyada Muqdisho oo lagu gubay Taayaro (Sababta)

Muqdisho (Caasimada Online)-Dad ka careysnaa dilka Darawalka Mooto Bajaajle ayaa maanta xiray isgoyska Sanca ee Magalada Muqdisho.

Dadkan oo ka careysnaa dilka darawalka ayaa xiray isgoyska kuwaa oo jidka ku jaray dhagxaan iyo taayaro.

Dadkan ayaa xiray Isgoyska Sanca oo kala qeybiya Degmooyinka Kaaraan iyo Yaaqshiid waxa ayna diideen in Gaadiidka iyo Mootooyinka ay halkaa maraan, iyagoo ku qeylinayay dooni meyno gacan ku dhiigle.

Shacabkaan oo isgoyska ku gubay taayaro ayaa dowlada Somalia ka dalbaday inay tiirka u geyso Askariga ka danbeeyay dilka Mootoolaha oo ka tirsanaa qeybta Minishiibiyada.

Askariga dilka geystay oo ka tirsanaa Ciidamada Minashiibiyada ayaa la sheegay in durbaba uu goobta ka baxsaday,waxana Darawalka mooto Bajaajta uu u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray rasaasii uu ku dhuftay askariga.

Dilka Darawalka mooto Bajaajta weli kama hadlin Maamulka degmada Yaaqshiid iyo laamaha amniga Soomaaliya,waxana Muqdisho caadi ka noqtay dilalka loo geysto Darawalada mooto Bajaajta.