Musharax Kamal Guutaale oo ka hadlay heshiiska DF Soomaaliya iyo Ahlu Sunna

Muqdisho (Caasimadda Online) – Musharax Kamaal Daahir Xasan Guutaale oo kamid ah musharixiinta madaxweynimo ee Galmudug ayaa soo dhaweeyey heshiiska ay wada gaareen Maamulka Ahlu Sunna iyo Dowladda Dhexe.

Musharax Kamaal ayaa si gooni ah Dowladda Dhexe iyo Ahlu Sunna uga mahad celiyey tanaasulaadkii ay sameeyeen iyo is fahankii ay ka gaareen arrimihii murugsanaa ay soo jiitamayey mudada dheer

Mudane Kamaal ayaa Dowladda Soomaaliya si gaar ah ugu baaqay inay soo afjarto khilaafyada dhiman oo ay kamid tahay xallinta tabashooyinka ay qabaan beelaha Cadaado iyo Ceel Dheer ee ku saabsan geedi socodka dhismaha Galmudug.

Halkaan hoose ka akhriso qoraalka musharax kamaal oo dhameystiran

Waxaan bogaadinayaa heshiiska laga gaaray khilaafkii ku saabsanaa qaab dhismeedka Galmudug, waxaa farxad u ah shacabka reer Galmudug in haddii khilaafkii ragaadiyey dowladnimadoodii uu dhamaaday ay maantay u billaabatay waa cusub oo Wadajir iyo isku duubni ah.

Labada dhinac ee heshiiska gaaray ee Dowladda Federaalka iyo Culima’udinka Ahlu Sunna Wal Jamaca waxaan si gooni ah oga mahad celinayaa tanaasulaadkii ay sameeyeen iyo is fahankii ay ka gaareen arrimihii murugsanaa ay Soo jiitamayay muddada dheer.

Waxaan Dowladda ku dhiira gelinayaa si loo soo afjaro khilaafyada dhiman iney sidoo kale xalliso tabashooyinka ay qabaan beelaha reer Cadaado iyo reer Ceel Dheer ee ku saabsan Geedi socodka dhismaha Galmudug iyo beelihii kale oo iyagana wax tirsanaya.

Si uu u noqdo Geedi socodka dhismaha Galmudug mid loo dhan yahay, kuna dhaca jawi dimuqraadi ah waxaan u baahanahay in ciidamada xad dhaafka ah ee jooga magaada Dhusamareb loo saaro magaalada bannaankeeda, Gudaha magaaaladana lagu reebo ciidan ammaanka suga ee isku dhafka ah.

Waxaan sidoo kale rajeynayaa in liisaska odayaasha aysan ka baxsanaan kuwii ka mid ahaa 135tii iyo kuwii Cadaado horey ugu soo dhisay Galmudug tii hore so loo helo meel laga tixraaco Dowlad dhiska Galmudug, waxaan sidoo kale odayaasha ka rajeynaynaa iney soo xulaan xildhibaanno ka bixi kara howsha maantay hortaalla Galmudug, howshoodana ku gudan kara daacadnimo, aqoon iyo ka hormarinta danta guud midda gaarka ah.