Xog: Musuq-maasuq nooc cusub oo ka billowday xarunta CID ee Muqdisho

Muqdisho (Caasimadda Online) – Shacabka Soomaaliyeed ee maalin kasta waraaqaha dambi laa’anta u doonto Xarunta Dambi Baarista ee CID ayaa dhibaato xoog leh ku qabo saraakiisha qaabilsan shaqadaan, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Subax kasta, waxaa Xarunta CID ku arkeysaa shacab farabadan oo safaf dhaadheer ugu jiro sidii ay u heli lahaayeen waraaqaha dambi la’aanta ee looga baahan yahay dadka doonayo inay qaataan waraaqaha dhalashada iyo kuwa dalbanayo Fiisooyinka.

Dhibaatada halkaas ka taagan ayaa waxay isugu jirtaa dhawr arrin oo ay horseedaan saraakiisha xarunta CID, hase yeeshee waxaa hadda kusoo biiray kuwa cusub.

Dhibaatada cusub ee hadda ka billaabatay xarunta ayaa in madaxda ugu sareyso CID ay Xarunta dhexdeeda ka furteen Photo lagu sawiro dadka iyo meel lagu koobiyeeyo waraaqaha, iyadoo meeshaas qiimaheeda ay aad u sareyso, marka loo eego magaalada inteeda kale..

Midda ugu yaabka badan ee dadkaas heysato ayaa waxay tahay in qofkii meeshaas meel aan aheyn kasoo galo sawiro waraaqahana kasoo koobiyeysato looga jeex jeexo xarunta dhexdeeda, iyadoo lagu xujeenayo inay sawirada iyo Koobiga ka sameystaan Xarunta ay Gudaha CID ka furteen madaxda ugu sareyso.

Halkii Waraaq ee la koobiyeenayo ayaa dadkaas looga qaadaa gudaha Xarunta CID qiimo gaarayo 0.50 Dollar (nus dolalr), halka meelaha kale looga qaado kun Shillin Soomaali ah.

Sidoo kale, halkii qof ee lagu sawirayo gudaha Xarunta CID ayaa waxaa laga qaadaa 4 Dollar halka magaalada kale qofkii lagu sawiro lacag u dhaxeyso 1-1.5 Dollar taasoo ah farqi weyn oo muujinayo dhibaatada dadka Soomaaliyeed loogu geysanayo Xarunta CID.

Mid kamid ah dadkii sawirada laga jeex jeexay oo Caasimadda Online la hadlay ayaa yiri “Meeshaas dadka ayaa lagu dhacaa, hadaad meel kale sawir kasoo gasho ama aad waraaqo kasoo koobiyeysato waa lagaa jeex jeexayaa, waxaa lagugu qasbayaa inaad ka sameysato Xarunta dhexdeeda, qiimahana waa mid aan macquul aheyn, balse waa ku qasbanahay inaan sidaas sameyno”.

Qofka sawirada ka galo Xarunta CID ayaa waxaa sawirka iyo waraaqaha koobiga korkooda loogu dhuftaa Tiimbare caddeyn u ah in qofkaas ay shaqada u qabatay Xarunta CID, ciddii aysan ugu dhufsaneyn tiimbarahaas waa laga jeex jeexayaa maadaama ay kasoo galeen meelo kale.

Horey waxaa xarunta uga jiray ah in dadka doonayo in loo fududeeyo waraaqahaas isla markaasna maalin gudaheeda doonayo in lagu siiyo lagu xirayo inay bixiyaan lacag laaluush ah oo u dhaxeyso 20-30 Dollar taasoo dhibaato ku noqotay dadka aan awoodda u laheyn inay lacagtaas bixiyaan .

Dadka qaar ee doonayo in loo fududeeyo waraaqahaas ayaa ah kuwa arrimo caafimaad u baxayo oo u baahan inay si deg deg ah u helaan waraaqaha dambi la’aanta si ay Viisooyin Caafimaad u dalbadaan balse looma fiiriyo duruufta ay ku jiraan ee waxaa lagu xujeeyaa inay lacago laaluush ah bixiyaan oo aysan awoodin taasoo keenta inay maalmo ku qaadato helista waraaqahaas.

Caasimadda Online ayaa wado baaritaan ku aadan shakhsiyaadka ka dambeeyo dhibaatada lagu hayo Shacabka waraaqaha u doonto xarunta CID, waxaana dhawaan idiin soo gudbin doonaa magacyada saraakiisha furtay xaruntaas lagu dhibaateenayo dadweynaha.