Wasiir Sabriye oo shaaciyey habka loo qeybinayo 20-ka xildhibaan ee Ahlu-Sunna

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya, Mudane Cabdi Maxamed Sabriye ayaa faah faahin guud ka bixiyey heshiiskii ay maanta wada gaareen Ahlu Sunna iyo dowladda Dhexe.

Sabriye oo wareysi gaar ah siiyey laanta afka Soomaaliga ee VOA ayaa sheegay in heshiiskaan cusub uu yahay mid muhiim ah, islamarkaana soo afjarayo khilaafkii xooganaa ee ka taagnaa dhismaha maamul loo dhan yahay oo ay yeelato Galmudug.

Sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday sida loo maareynayo labaatanka xubnood oo Ahlu Sunna ay ku yeelaneyso baarlamaanka labaad ee maamulkaasi, isaga oo xusay in si miisaaman oo qaab beeleed ku dhisan loo qeybinayo xildhibaanadaasi, ayna soo xuli doonto Ahlu Sunna, iyadoo la raacayo heshiiskii la gaaray sanadkii 2015-kii.

Wasiirka arrimaha gudaha dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale carabka ku dhuftay in hadda xal laga gaaray arrimihii la’isku hayey, islamarkaana la guda geli doono howlaha soo xulista xildhibaanada cusub, kadibna la aadi doono doorashooyinka xiga.

Waxa kale oo uu intaasi ku daray inay ka go’an tahay, sidii loo dhisi lahaa maamul mid ah oo ay u dhan yihiin beelaha dega gobollada Galgaduud iyo Mudug.

“Annaga ka wasaarad ahaan waxaa naga go’an in beel walbo waxa ay leedahay ay hesho, deegaankuna uu helo maamul loo dhan yahay.” ayuu yiri wasiirku.

Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo maanta xal rasmi ah laga gaaray khilaafkii xooganaa ee dhowrkii bilood la soo dhaafay ka taagnaa magaalada Dhuusamareeb.

Khilaafka ayaa saameeyey howlihii doorashada Galmudug oo marar badan dib u dhacday, sababo la xariira tabashadii ay qabeen hoggaanka sare ee  Ahlu Sunna.

Hoos ka dhageyso codka Sabriye