Musharax la tartama Cali Guudlaawe oo la raadinayo

Jowhar (Caasimada Online) – Wararka ka imanaya magaalada Jowhar ee xarunta gobalka Shabeelada Dhexe ayaa sheegaya in ilaa hadda xilka Madaxweynaha HirShabeelle uu u taagan-yahay Madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi Cali Cabdullaahi Xuseen “Cali Guudlaawe” oo kaliya.

Ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in ilaa hadda aan la heynin musharax kale oo la tartama Cali Guudlaawe, islamarkaana saacadihii ugu dambeeyay la baadi goobayo musharaxiin tartan aan sax aheyn la gala Guudlaawe.

Xubno kala duwan oo siyaasiin ah oo aan la hadalnay ayaa sheegay in siyaasiin badan laga codsaday islamarkaana loo ballan qaaday, xil, lacag, iyo in aan laga qaadin lacagta diiwaan gelinta ah, si ay isugu sharaxaan tartanka doorashada oo illaa hadda uu hal qof u taagan yahay.

Guudlaawe ayaa la rumeysan yahay inay wado dowladda federaalka, islamarkaana madaxweynenimadiisa ay tahay mid qoran, taasi oo tartanka ka dhigtay mid dad badan ay dib uga gurtaan.

Shalay oo ku beegneyd 8-da November ayey bilaabatay diiwaan gelinta Musharaxiinta waxayna ku egtahay maanta, halka 10-ka bishana la filayo in la dhageysto Khudbadaha musharaxiinta tartanka Madaxweynaha.

Guddiga doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka HirShabeelle ayaa la sheegay in ay kulamo la qaateen Madaxweyne ku xigeenka iyo guddoonka baarlamaanka iyagoo ka codsaday in muddo kordhin loo sameeyo jadwalka si loo helo musharaxiin, waxaana loo balan qaaday in si deg deg ah loo keeni doono Musharaxiin kale.

Doorashada HirShabeelle ayaa la filayaa in ay dhacdo 11-ka bishaan oo ku beegan Arbacada todobaadkaan, haddii uusan jadwalka doorashada Madaxweynaha wax iska badalin.