Musharax lagu xiray Beledweyn inta uusan hankiisa gaarin

Beledweyne (Caasimada Online) – Ciidamada amaanka magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa xabsiga dhigay Musharax lagu magacabo Yaxye Yuusuf Xaaji Cali oo ka mid ah xubnaha u tartamaya Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Somalia.

Musharaxaani ayaa waxaa la xiray xili uu ku sugnaa Baar Xasan Dhiif ee magaalada Beledweyne.

Musharaxaani ayaa xiliga la xiraayay Baarka ku sugaayay Odayaal iyo Waxgarad oo uu kala hadlaayay howlihiisa musharaxnimo kuwaasi oo ka soo jeedda beesha uu ku abtirsado.

Saraakiisha ciimada Amaanka ayaa baaritaan dheer kadib sii daayay Musharaxa waxa ayna kaga digeen in mar kale uu Baararka kula kulmo Odayaal.

Talaabadaani ayaa imaaneysa xili dhawaan maamulka Hiiraan uu mamnuucay in gudaha magaalada lagu qabto shirar uusan maamulka la socon.

Caasimada Online
Xafiiska Beledweyne
Caasimada@live.com