Yaab: Hadliye oo qiray inuusan la socon shaqadii loo dhiibay

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumada Somalia C/Salaan Hadliye, ayaa shaaca ka qaaday in Domalia Somalia aysan la socon Soomaalida oo Dolwadda Norway kusoo celineyso dalkooda.

Hadliye waxa uu sheegay in Dowlada Norway ay xaq u leedahay in dalkeeda ay kasoo saarto Soomaalida, balse uusan jirin xiriir ay labada dowladood ka sameeyen arrinta Soomaalida lasoo celinaayo.

Wasiir Hadliye waxaa uu sheegay in Wasaaradda Arrimaha Dibadda aysan ka warqabin arrintaasi sidoo kalena aysan la socon Wasaaradda Amniga oo ay hoostagaan laamaha socdaalka, Nabad Sugidda iyo Booliska.

Mar wax laga weydiiyay arrintaani ayaa waxa uu Wasiirka sheegay in Dalka Norway ay ku sugan yihiin 30,000 Qof oo Soomaali ah, kuwaas oo 200 kamid ah aysan heysan sharciga dalkaas, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale, Wasiirka waxa uu sheegay inay suuragal tahay in wadankaasi uu iska soo musaafuriyo Qaxootiga markii la aqbalaayay sheegtay inay kasoo carareen Dagaalada iyo amni dariga.

Dowlada Norway ayuu sheegay inay qiil u heysato in Somalia ay nabad tahay.

Haddalka Hadliye ayaa u muuqanaaya kawarqab la’aanta Dowlada Somalia, ee xaalada ay ku sugan yihiin Soomaalida ku dhaqan dalka dibadiisa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com