Musharaxii ugu horreeyey ee beesha Daarood oo isku soo taagay gudoomiyaha BF

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig, oo ka mid ah xildhibaanada kasoo galay Jubaland ayaa ku dhowaaqay inuu yahay musharax u taagan xilka guddoomiyaha golaha shacabka ee baaralamanka Soomalaiya. 

Cabdirashiid Xidig ayaa qoraal uu ku daabacy bartiisa facebook ku yiri “Mudaneyaal iyo marwooyin anigoo ah xildhibaan Cabdirashid Maxamed Xidig waxaan idinla socod siinayaa inaan u sharaxnahay xilka gudoomiyaha Golaha Baarlamaanka federalka ee Soomaaliya 2022/2026.”

Waxa uu intaas ku daray “Mudaneyaal iyo marwooyinm baarlamanka federaalka waxaa horyaalla waajibaad dastuuriya oo lagama maarmaan u ah dowlad dhisida dalkeena, sidaas darteed anigoo fahamsan waajibaadkaas aqoon iyo waayo aragnimo dheera u leh hogaaminta baarlamaanka iyo gudashada waajibaadkiisa, waxaan go’aansaday inaan isusoo sharaxo qabashada xilka gudoomiyaha golaha baarlamaanka federalka ee Soomaaliya.”

Xidig ayaa ka codsaday xildhibaanada federaalka inay taageeraan codkoodana siiyaan, wuxuuna intaas ku daray inuu maalmaha soo socda soo bandhigi doono faah-faahinta qorshihiisa siyaasadeed. 

Xidig ayaa sidoo kale xilkan isku sharaxay doorashadii guddoomiyaha baarlamankii 10-aad ee dhowaan muddo xileedkiisu dhammaaday, balse aan ku guuleysan.

Musharaxnimada Xidig, oo kasoo jeeda beesha Ogaadeen, ayaa leh cawaaqib siyaasadeed oo wax ka beddeli kara nidaamka awood qeybsiga Soomaaliya, oo beesha Daarood ay ka hesho xilka madaxweynaha ama ra’iisul wasaaraha. 

Haddii la doorto Xidig, waxay ka dhigan tahay in beesha Daarood ay weyn doonto labada xil ee ugu sarreeya dalka, inkasta oo aysan caddeyn heerka ay gaarsiisan tahay taageerada uu haysto.

Dhowaan waxaa jiray dadaal ay wadeen beelaha Dir, Digil iyo Mirifle, oo ay waxa kaga bedelayaan habka awood qeybsiga, waxaana musharaxnimada Xidig ay siineysaa fursad ay taas ku xaqiijiyaan haddii ay codkooda ku taageeraan.