Musharaxiinta K/Galbeed oo maanta loo jeediyay digniintii ugu dambeysay

Baydhabo (Caasimada Online) – Musharixiinta Koofur Galbeed ee maalinta beri ah ka qeyb galaysa doorashada Koofur Galbeed ayaa loo jeediyay digniintii ugu dambeysay ee dhanka amaanka ah.

Wasiirka amniga Koofur Galbeed Xasan Maxamed Xuseen ayaa ugu digay musharixiinta inay sameeyaan dhaqdhaqaaqyo carqalad ku noqon kara amaanka magaalada Baydhabo oo beri ay doorasho ka dhaceyso.

Wasiirka ayaa ugu  baaqay musharixiinta tirada badan inay ka shaqeeyaan xil iska saarida amaanka magaalada Baydhabo, isaga oo ka digay gaadiidkooda tirada badan inay qeyb ka noqdaan amni darada magaalada.

Waxaa uu sheegay in ay muhiim tahay in Musharaxiinta aysan ku xad gudbin hanaanka lagu xaqiijinaayo Ammaanka xilli ay jiraan Musharaxiin hub badan la galay Magaalada Baydhabo, sida uu wasiirka sheegay.

Talaabo sharciga waafaqsan ayuu sheegay inay ka qaadi doonaan dadka isku daya inay ka hor yimaadaan hanaanka sugidda amaan ee magaalada Baydhabo xiliga doorashada ay dhaceyso.

Beri oo ah maalin arbaco ah ayaa la qorsheynayaa inay doorasho ka dhacdo magaalada Baydhabo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@Live.com