Xiisad cusub oo ka taagan deegaanka TUKARAQ oo cabsi hor leh abuurtay

Tukaraq (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool ayaa sheegaya in xiisad cusub ay maalintii labaad ka taagan tahay deegaanka, taasi oo u dhaxeysa dhinacyadii ku dagaalamay deegaankaasi.

Xiisadda ayaa ka dambeysay kadib markii maalin ka hor deegaankaasi uu tagay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, isaga oo askarta ku sugan aaga dagaalka u sheegay inaysan dagaal diyaar u aheyn oo xuduudooda difaacayaan.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in ciidamada labada dhinac ee ku sugan aagaga dagaalka ay bilaabeen dhaqdhaqaaq ciidan, taasi oo cabsi gelisay shacabka deegaanka ku nool.

Dhaqdhaqaaqa cusub ayaa laga dareemayaa dhinaca Puntland, waxaana ciidamada Somaliland la sheegay inay wali ku sugan yihiin goobtii ay joogeen.

Waa socda xaalad la doonayo in lagu qaboojiyo xiisadda u dhaxeysa Somaliland iyo Puntland, waxaana dadaalka qeyb ka ah Urur goboleedka IGAD, Qaramada Midoobay iyo beesha caalamka.

Waxay horey labada dhinac horey u aqbaleen inay dib u heshiisiin qaataan, waxaana wali jira xiisad ka taagan deegaanka oo u dhaxeysa dhinacyada ku dagaalamaya magaalada Tukaraq ee gobolka Sool.

Caasimada Online
Xafiiska Sool
Caasimada@live.com