Musharaxiinta mucaaradka oo soo saaray go’aan la xiriira 8-da Febraayo kadib

Muqdisho (Caasimada Online) – Midowga musharraxiinta mucaaradka ayaa markale war kasoo saaray shirka wada-tashiga ah ee ka socda magaalada Dhuusamareeb ee caasimada dowlad goboleedka Galmudug, iyaga oo ku baaqay in laga qeyb-geliyo.

Warsaxaafadeedka kasoo baxay musharraxiinta ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in golaha uu rajo wanaagsan ka qabo in shirka ay ka soo baxdo natiijo ay ku qanacsan yihiin inta shirka joogta, kuwa ka maqan iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale midowga musharraxiinta ayaa ka hadlay arrimo ku aadan muddo xileedka dowladda, gaar ahaan madaxweynaha oo uu watigiisu ku egyahay 8-Febraayo.

Qoraalka musharraxiinta ayaa waxa lagu sheegay in aysan aqbali doonin in dalka ay sii maamulaan shaqsiyaad iyo hay’addo uu dhammaaday waqtigooda Dastuuriga ah.

Golaha musharraxiinta ayaa shaaca ka qaaday in kaliya siddeeda Febraayo looga gudbi karo heshiis siyaasadeed oo wadar ogol ah, si looga hortegao qalalaase horleh.

Ugu dambeyn musharraxiinta mucaaradka ayaa walaac ka muujiyey amiga dalka,iyaga oo ku eedeeyey dowladda federaalka inay ka gaabisay la dagaalanka Al-Shabaab.