Musharaxiinta oo war kasoo saaray dhaq-dhaqaaq ciidan oo socda iyo arrimo kale

Muqdisho (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed ka soo baxay Golaha midowga musharixiinta mucaaradka ayaa waxaa looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan xiisadda xoogan ee haatan ka taagan Villa Soomaaliya iyo arrimaha doorashooyinka 2021-ka.

Ugu horrey golaha ayaa garab istaag u muujiyey ra’iisul wasaaraha xukuumadda federalka ah ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble, iyaga oo shaaciyey inay ku garab taagan yihiin qabashada doorashooyinka dalka ee 2021-ka.

Golaha ayaa qoraalkan ku soo koobay lix qodob oo ay uga hadleen doorashooyinka dalka & khilaafka u dhexeeya madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday & Ra’iisul wasaaraha, waxayna yiraahdeenm Golaha:

1- Wuxuu ku dhiirragelinayaa ra’iisul wasaaraha in uu darda geliyo howlaha doorashooyinka, gacanta ku dhigo amniga dalka, marna uusan gor-gortan ka gelin heshiiskii 27 May.

2- Wuxuu ku boorinayaa golaha wada-tashiga qaran in la dadajiyo howlaha doorashooyinka, loona fududeeyo sida ugu sahlan ee ay degdeg ugu qabsoomi karto.

3- Wuxuu ku adkeynayaa in ciidanka qalabka sida in aysan siyaasadda ku milmin, kuna garab istaagaan golaha wada-tashiga qaran sidii dalka uga dhici laheyd doorasho.

4- Wuxuu ugu baaqayaa beesha caalamka inay golaha wada-tasha qaran ku gacan siiyaan degdeg ku qabsoomida doorashada.

5- Wuxuu indhaha ku hayaa dhaq-dhaqaaqa ciidan iyo shirqoolka ay maleegayaan madaxweynaha xilkiisa dhammaaday iyo agaasimihii hore ee hay’adda NISA, si ay u carqaladeeyaan howlaha doorashooyinka, una abuuraan xasilooni darro & qal-qal amni.

6- Wuxuu dalbanayaa cadaalad u helista Ikraan Tahliil iyo ehelkeeda, wuxuuna ku baaqayaa in hay’adaha garsoorka loo daayo kiiska.

Halkan hoose ka aqriso:-