Xuseen Macalin: Al-Shabaab afar bil ayey sugeysay in la kala baxo, hadda kadibna…

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa todobaad gudahiisa waxay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ka fulisay illaa seddex qarax kuwaas oo ay ku dhinteyn in ka badan 15 qof, sidoo kalana dhaliyey khasaare maaliyadeed.

Qaraxyada ay Al-Shabaab ka fuliyeen Muqdisho waxaa ugu dambeeyey midkii ka dhacay meel aan sidaas uga fogeyn xarunta madaxtooyada ee Villa Somalia, waxayna qaraxyadaan kusoo aadayaan xilli uu sii socdo khilaafka u dhaxeeyo madaxweynaha waqtiga ka dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Su’aalaha ugu badan oo ay dadka Muqdisho is waydiinayaan maalmahaan ayaa ah: Maxaa keenay qaraxyadaan iyo sida looga hortagi karo, waxaa ka jawaabay su’aalahaan Xuseen Macalin Maxamuud oo horay usoo noqday la-taliyaha amniga ee Madaxweyne Farmaajo haddana ah madaxa machadka amniga ee Hiraal.

Xusesen Macalin ayaa sheegay in Al-Shabaab aaney qaraxyo sameyn bilihii February ilaa July sababo la xiriira iyaga oo aan ogeyn meesha loo socdo, sidoo kalana wuxuu sheegay inay aad u badnaayeen aaggaga amniga.

“Bilaha February ilaa July qaraxyo ma sameyn Al-shabaab, oo waxaa ay sugayeen in la kala baxo, waxaa caasimadda joogay Badbaado qaran, ciidan ayaa meel walba daadsanaa, waxaa badnaa aaggaga amniga, hadda waxaa ay dareemeen in hey’adaha amniga dabceen, oo amniga furfurmay, in lasoo celinaya fududeen, marka waa ka faa’ideysteen,” ayuu yiri.

Mar la waydiiyey sida qaraxyadaan looga hortagi karo ayuu ku jawaabay “Waa sii socon doonaan haddii aan si degdeg ah wax looga qaban, oo aan laga heshiin”.

Madaxa Hiraal Xuseen Macalin welwelka uu qabo waa in dib u dhac ku yimaado heshiis siyaasi ah oo u dhaxeeya Farmaajo iyo Rooble, hey’adaha amnigana la siyaasadeeyo, taasina ay keento in qaraxyada sii socdaan, taasi oo saameyn doonta doorashada iyo guud ahaan nolosha dadka.