Musharaxnimada Deni oo yeelan doonta cawaaqib siyaasadeed weyn (Warbixin)

Muqdisho (Caasimada Online) – Musharaxnimada madaxweyne ee Saciid Cabdullahi Deni waxaa ka harsan oo kaliya inuu ku dhowaaqo, ayada oo tallaabooyinka siyaasadeed ee uu qaadayo ay muujinayaan in damaciisu uu sidaas yahay.

Musharaxnimada Deni waxay isbeddel weyn ku sameyn doontaa ololaha doorashada madaxweynaha Soomaaliya, waxayna yeelan doontaa cawaaqib saameyn doono musharaxiin badan.

Fallanqeeyayaal siyaasadeed oo ay Caasimada Online la hadashay ayaa isku raacay inay aad u yar tahay rajada Deni loogu dooran karo madaxweynaha Soomaaliya, hase yeeshee ay musharaxnimadiisa kaalin weyn ku yeelan karto cidda noqoneysa madaxweynaha Soomaaliya iyo cidda aan noqoneyn.

Deni wuxuu noqon doonaa musharaxa kaliya ee si toos ah iyo si dadban u maamulaya doorashada in ka badan 100 xildhibaan oo isugu jira kuwa Aqalka Sare iyo kuwa Golaha Shacabka, mana jiro musharax u taagan xil madaxweynaha oo saameyn intaas le’eg oo toos ah ku leh hanaanka doorashada xildhibaanada.

Marka aan ka hadleyno xildhibaanada 100-ka ka badan waxay isugu jiraan kuwa lagu soo dooranay Puntland, oo uu toos u maamulayo Deni, iyo kuwa Jubaland, oo si dadban u maamulayo, maadaama uu gacanta ku hayo Axmed Madoobe oo ay xulufo siyaasadeed yihiin.

Yey dhaawaceysaa musharaxnimada Deni?

Musharaxnimada Saciid Deni waxay si toos ah u dhaawaceysa musharaxiinta kasoo hara Farmaajo, si gaar ahna Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed, oo la rumeysan yahay inay yihiin labada musharax ee loolanka adag uu kala kulmi doono Farmaajo.

Labadan musharax ayaa wuxuu dhaawac siyaasadeed uga iman doonaa in xildhibaanada kasoo baxaya Jubaland iyo Puntland ay badankood noqon doonaan kuwa ku yimaada rabitaanka iyo qorshaha siyaasadeed ee Deni, taasi oo yareyn karta xildhibaanada taabacsan Xasan Sheekh iyo Shariif ee soo baxaya.

Jubaland iyo Puntland waa labada maamul ee mucaaradka ay ka filayaan in xildhibaano taabacsan ay kasoo baxaan, maadaama Koonfur Galbeed, HirShabelle iyo Galmudug ay yihiin maamulo lagu tirinayo inay taabacsan yihiin Farmaajo.

Tani waxay ka dhigan tahay in musharaxiinta mucaaradka aysan saameyn weyn ku yeelan xildhibaanada lasoo doornayo,  balse ay taageero ka raadiyaan marka ay soo baxaan kadib, sida marar badan horey u dhacday.

Yaa ka faa’iideysanaya musharaxnimada Deni?

Musharaxnimada Saciid Deni, waxaa faa’iidada ugu badan ku qaban madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, sababtoo waxay sii kala qeybineysaa codadka mucaaradka, waxayna horseedi kartaa in Xasan Sheekh iyo Shariif midkood uu ku haro wareegga koowaad.

Haddii Deni uu qaato in badan oo ka mid ah codadka xildhibaanada laga soo dooranayo Jubaland iyo Puntland, waxaa suurta-gal ah in isaga, Farmaajo ama Xasan Sheekh iyo Shariif midkood ay u gudbaan wareegga xiga ee doorashada oo ay gaaraan kaliya saddexda musharax ee ugu codadka badan wareegga koowaad.

Waxaa sidoo kale suurta-gal ah in Deni uu ka codad bato Xasan Sheekh iyo Shariif, oo uu galo kaalinta labaad ama koowaad, ayada oo Farmaajo la rumeysan yahay in sidoo kale uu kow ama laba geli doono wareegga koowaad, taasi oo horseedi karta in in musharaxa gala kaalinta saddexaad uu tanaasulo, sida horey loo arkay.