Maxaa kasoo baxay kulankii Biden iyo Uhuru Kenyatta?

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa xalay Aqalka Cad ku qaabilay madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, waana kulankii ugu horreeyay ee Biden uu si toos ah ula yeesho hoggaamiye African ah tan iyo markii noqday madaxweynaha Mareynkanka.

“Iskaashiga istiraatiijiyadeed ee Mareykanka iyo Kenya waa lama huraan,” ayuu yiri Biden, markii labada hoggaamiye ay fadhiisteen Xafiiska Oval.

“Labadeenuba, waxaan aaminsanahay inay muhiim tahay wax ka qabashada caqabadaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah,” ayuu yir Biden.

Kulanka kadib, Aqalka Cad ayaa sheegay in labada hoggaamiye “ay ka wada hadleen ballanqaadkooda wadaagga ah ee ku aaddan difaaca dimuqraadiyadda, xuquuqda aadanaha, horumarinta nabadda iyo amniga gobolka, iyo dardargelinta barwaaqada dhaqaale.

Aqalka Cad ayaa sidoo kale ku sheegay bayaankan, in labada madaxweyne “ay hoosta ka xarriiqeen baahida loo qabo in la helo hufnaan iyo isla xisaabtan dheeraad ah oo ku aaddan nidaamka maaliyadeed ee gudaha iyo kuwa caalamiga ah iyo in la hormariyo go’aannada nabadeed ee colaadaha Soomaaliya iyo Itoobiya.”

Dalka deriska la ah Kenya ee Itoobiya, dagaal ayaa ka socday waqooyiga gobolka Tigray muddo ku dhow hal sano, waxaanaa colaaddu ay dishay dad aan tiradooda la sheegin – tirada dhimashada lafteeda ayaa ah mawduuc la isku haysto. 

Qaramada Midoobay ayaa ku qiyaastay in dagaalku uu 5.2 milyan oo qof ku riday masiibo bani’aadanimo, waxaana in ka badan 63,000 oo qof ay u qaxeen dalka deriska la ah ee Suudaan.

“Maanta, waxaan ka wadahadli doonnaa waxa Kenya iyo Mareykanka ay ka wada sameyn karaan Geeska Afrika, si loo hormariyo nabadda iyo amniga,” ayuu yiri Biden. 

Labada hoggaamiye midna magaca ahaan uma soo hadal qaadin dalka Itoobiya.

Xoghayaha Warbaahinta ee Aqalka Cad Jen Psaki, ayaa sheegay in labada hoggaamiye ay ka wadahadleen waddanka aan badda lahayn, iyada oo si adag u qeyxday colaadda.

“Waa iska caddahay waxa ka socda Itoobiya inay yihiin naxariisdarro,” ayay tiri Psaki, iyada oo ka jawaabaysay su’aal ku saabsan goorta Maraykanku bilaabayo cunaqabataynta.

“Waa wax laga naxo run ahaantii, waan ku faraxsanahay inaad wax iga weydiisay arrintan, sababtoo ah malaha ma jirin dareen ku filan oo ku saabsan waxa dhacaya oo Mareykanku siiyay” ayay raacisay.