Wasiir sheegay arrin yaab leh oo Somaliland ka leedahay masaafurinta reer Koonfurta

Baydhabo (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha gudaha iyo dowladaha hoose ee maamulka Koonfur Galbeed, Maxamed Abuukar Cabdi oo ka hadlay dadka kasoo jeeda Koonfur Galbeed ee ay musaafurintooda billowday Somalialnd, ayaa ka hadlay ujeedka ka dambeeya raafkooda.

Wasiirka ayaa sheegay in Somaliland, oo ku dooda inay tahay dal ka madax-banaan Soomaaliya, ay arrintaas ka leedahay muujinta xumaanta Soomaalida, iyo inay beesha caalamka u muujiso sida ay u kala fog yihiin, sida uu sheegay.

“Waa arrin siyaasadeed oo maamulka Somaliland uu is leeyahay ictiraafkii aad dhankan ka weyseen aad dadka Soomaaliyeed si magaciina uga fogaado oo aduunkiina tusayaan sida ay u kala fog yihiin Soomaaliya, oo ay ka tahay sidaas,” ayuu yiri Wasiir Maxamed Abuukar.

“Dadkaan waa soo codeeyen oo ayaga soo doortay, marka codkooda u baahnayeen ma soo saarin, marka dadkii u codeeyen oo xisbiyadii ka mid ahaayeen sidaa la sameeyo oo la soo saaro waa arrin siyaasadeed.”

Sidoo kale waxa uu sheegay Wasiirka arrimaha gudaha iyo dowladda hoose ee maamulka Koonfur Galbeed in Somaliland ay ka carootay doorashadii Somaliland ee Aqalka Sare ee lagu qabtay magaalada Muqdisho, ayna ku muujinayso sida ay uga soo horjeeday.

“Shuruucda caalamiga ah waa ka baxsan tahay sida loola dhaqmay dadkaas, arrin amni waa ka baxsan yahay sida ay sheegen, waa mid siyaasadeed.”

Ugu dambeyntii waxa uu sheegay in dadka laga musaafuriyey deegaanada Somaliland ee ka soo jeeda reer Koonfur Galbeed ee gaaray Puntland ay diyaarad ku daad-gureynayaan si ay u geeyan deegaankoodii, una sameeyen goobo kumeel gaar ah.