Tibor Nagy: Haddii Somalia ay diiday qorshaha cusub waa inay Shabaab iska celisaa

Muqdisho (Caasimada Online) – Tibor Nagy oo ah Diblomaasi Mareykan ah oo xilal kasoo qabtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalkaasi ayaa ka hadlay go’aankii dhawaan kasoo baxay xukuumadda Soomaaliya ee lagu diiday wax ka beddelka howlgalka Midowga Africa ee AMISOM.

Dolwadda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in aysan rabin islamarkaana raali ku ahayn qorshaha guddiga Amniga iyo Nabadda Midowga Afrika ee ah in howlgalka AMISOM la ballaariyo lagana dhigo mid ay si wadajir ah u fulinayaan Qaramada Midoobey iyo Midowga Afrika.

Tibor oo horey usoo noqday kaaliyaha xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka ee Afrika, iyo Danjiraha Maraykanka ee dalalka Guinea iyo Ethiopia ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya laga rabo inay iska celiso Al-Shabaab, haddiiba ay diidan tahay qorshaha Midowga Afrika.

Wuxuu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay leedahay ciidamo aad u badan oo awoodi kara inay soo afjaraan Al-Shabaab.

“Haddii Dowladda Soomaaliya aysan ku qanacsaneyn isbeddellada lasoo jeediyay in lagu sameeyo AMISOM, waa inay qaadato mas’uuliyadda ammaankeeda. Ciidammada Soomaaliya marka la isku daro aad ayey uga badan yihiin Al-Shabaab…dagaalka waa inay kusoo afjaraan hal maalin,” ayuu yiri Tibor Nagy.

”Soomaaliya waxay u baahan tahay dawlad u shaqeysa Soomaalida ee aan ka shaqeysan,” ayuu sii raaciyey, isaga oo u muuqda inuu ku jeesjeesayo mowqifka dowladda Soomaaliya.

Tibor Nagy ayaa Muqdisho yimid Janaayo 2020, isagoo wadahadal la yeeshay madaxda dowladda federaalka, sida ra’iisal wasaarihii xilligaasi Xasan Cali Kheyre.

Midowga Afrika ayaa sheegay in Soomaaliya la gelinayo Xeerka Number 7 ee Qaramada Midoobey, ayada howlgalka cusub ee lasoo jeediyey uu billowdo bisha Janaayo ee 2022, haddii uu ansixiyo Golaha Ammaanka QM.

Warka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in hindisaha Guddiga Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ay diiday Soomaaliya, mar kalena ay ku celineyso diidmadeeda qayaxan.

Soomaaliya ayaa sheegtay in ay muhiim tahay tixgelinta madaxbanaanida Soomaaliya iyo qaraarka Qaramada Midoobey ee tirsigiisu yahay 2568 soona baxay 2021, kaas oo ogolaanayay dib u habeynta AMISOM iyo in Ciidamada Soomaaliya ay amniga dalka kala wareegaan Ciidamada AMISOM.