Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa sida qorshaha uu yahay dhawaan la filayaa in magaalada Muqdisho lagu qabtaa tartanka doorashada gudoonka baarlamaanka Soomaaliya.
Tartankaasi oo durba musharixiin isku soo taageen ayaa haddana waxaa la saadaalinayaa tartanka ugu adag ee dadka uu dhexmari doono.
Maxamed Sheikh Cismaan Jawaari gudoomiyihii baarlamaanka ee afartii sano lasoo dhaafay ayaa ku taamaya markale inuu baarlamaanka hogaamiyo, waxaana la arkayaa xayaysiintiisa uu durba laga dareemayo baraha bulshada ku xiriirto.
Waxaa sidoo kael jira in Jawaari uu doonayo in markale uu noqdaa hogaanka baarlamaanka, waana gudoomiye afarsano oo xiriir ah hayay xilkaasi.
Laakiin Tartanka ugu adan ayuu kala kulmi doonaa C/rashiid Maxamed Xidig oo ah xildhibaan baarlamaanka kasoo galay dhanka Jubbaland.
Walow labaduba aysan si dhabba u shaacin musharaxnimadooda ayaa haddana waxay yihiin labada kaliya ee tartanka ugu adag uu dhexmari karo haddii ay tartamaan.
Sababta adkeyneysa ayaa ah iney kala wataan labo musharax madaxweyne oo midka midka kale uu ku xiran yahay musharaxnimadiisa cidda ku guuleysataa hogaanka baarlamaanka.

