27.9 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

Xog: Muungaab oo laga hor istaagay in is-sharxo iyo qorshaha beesha Abgaal oo…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah Odayaasha Beesha Abgaal ayaa ka hor imaaday in Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Hassan Mohamed Hussein (Muungaab) uu kamid noqdo Musharaxiinta loolanka ugu jira qabashada Hogaanka Somalia.

Odayaasha Beesha oo kulan gaara la qaatay Hassan Mohamed Hussein (Muungaab), ayaa diiday Musharaxnimada Muungaab, kadib markii Odayaasha ay isla fahmeen in Muungaab uu sii kordhinaayo cadadka Musharaxiinta Beesha Abgaal.

Odayaasha waxa ay sidoo kale Muungaab ka diideen in dhaqaalihiisa uu xiligaani ku bixiyo ololaha ka socda dalka, maadaama lacagtiisa uusan uga gudbikarin Doorashada iyo ololaha.

Muungaab oo waayadaani waday latashiyo ku aadan Musharaxnimadiisa ayaa iminka aqbalay inuu ka haro Doorashadaani soo socta.

Muungaab oo xilal kala duwan ka qabtay dalka ayaa ka hantiyay Dowlada, iyadoo taa ay suuragalisay inuu hamiyo kamid noqoshada Musharaxiinta.

Doorashada Somalia oo lagu wado inay dhacdo dabayaaqada Bisha fooda nagu soo heysa ayaa lagu wadaa inay ka qeybqaatan inkabadan 23 Musharax, walow qaarkood ay ku hari doonaan tanaasulka.

- Advertisement -

Read more

Local News