Musharraxiinta mucaaradka oo qoraal xasaasi ah u diray beesha caalamka

Muqdisho (Caasimada Online) – Midowga Musharaxiinta Mucaaridka ayaa qoraal xasaasiya kasoo saaray xaalada dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka oo maalmihii u dambeeyay uu ka taagna muran baahsan.

Qoraalka oo ka koobna labo bog ayaa waxay Midowga Musharaxiinta si toos ah ugu direen xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya (UNSOM), iyada oo lagu ogeysiiyayna dalalka beesha caalamka ee saaxiibada la ah Soomaaliya.

Musharaxiinta ayaa QM iyo Beesha caalamka ugu baaqay inaysan ka indho qarsan xaalada cakiran ee dalka Soomaaliya ay ka abuurtay xiisada doorashooyinka, taasi oo ay hanaankeeda ku kaliyeysatay dowladda federaalka, sida ay hadalka u dhigeen.

Sidoo kale waxa qoraalkaas oo ku qornaa luuqada English-ka lagu sheegay inay beesha caalamka ka amuustay xatooyo doorasho oo hore uga dhacday maamulada dalka, taasi oo keentay ayey yiraahdeen in madaxweyne Farmaajo ku dhiirado ‘doorasho boob ah’ oo uu ku shubto.

Waxay si cad ugu sheegen qoraalka in Midowga Musharaxiintu aysan kasoo horjeedin heshiiskii doorashooyinka ee bishii September lagu gaaray magaalada Muqdisho, balse ay ka walaacsan yihiin hanaanka loo fulinayo heshiiskaas oo ay ku kaliyeysatay dowladda.

Madasha ayaa markale ku celisay diidmadeeda ku aadan guddiyada doorashooyinka ee lagu muransan-yahay, iyada oo sheegtay inay kasoo dhex muuqdaan xubno ka tirsan taageerada Villa Somalia, shaqaalaha rayidka iyo Hay’adda nabad-sugida NISA.

Waxa kale oo qoraalkaas looga hadlay xaalada dagaal ee ka taagan gobolka Hiiraan ee ka dhalatay doorashada maamulka HirShabeelle, xiisada Gedo iyo walaaca doorashooyinka ay muddada kooban inaga xigaan.

Hoos ka aqriso qoraalka oo dhameystiran