Boosaaso (Caasimada Online) – Musharrixiinta u taagan doorashada maamulka Puntland oo dhaceysa horaanta bisha Janaayo ee sannadka dambe, ayaa soo saaray qaylo dhaan la xiriirta ammaanka inta ay doorashada socoto.
Isagoo ka hadlaayay Magaalada Gaalkacyo, Cali Xaaji Warsame oo ka mid ah musharrixiinta ugu cad-cad doorashadda ayuu sheegay in loo baahan yahay qof dhex-dhexaad ka noqda arrimaha ammaanka inta ay socoto doorashadda, maadama uu Faroole oo ah madaxweynaha iminka uu ka qaybgalayo doorashadda.
“Madaxweyne Faroole waa musharrax, haddii la rabo in ay ka dhacdo Puntland doorasho xaq ah, waa in la helaa cid dhex-dhexaad ah, annagu waxaan u aragnaa ruuxaas in uu ka haboon yahay Gen: Saciid Samatar oo horrey wasiirka gaashandhigga u soo qabtay” ayuu yiri Musharrax Cali Xaaji.
Waxaa soo baxaysa walaac laga qabo doorashadda maamulka Puntland, iyadoo musharrixiin fara badan oo hadda ku sugan Gaalkacyo ay lee yihiin waxaa laga yaabaa haddii uu madaxweyne Faroole uu ku guuleesan waayo xafiiska waxaa laga yaabaa in uu khalkhal galiyo ammaanka deegannada Puntland.
Qolyaha sidan ku andoocanaya, waxa ay joogaan Gaalkacyo, oo ma tagi karaan Garoowe oo ah xarunta maamulka Puntland, waana tan keentay walaaca, sida ay lee yihiin dad badan oo ku xeel-dheer arrimaha Puntland.
Isku soo duub, waxaa muuqata culeys ballaaran oo heesta madaxweyne Faroole, iyadoo markii uu tagay dhawaan danjire Kay Puntland, uu si isku mid ah ula kulmay Faroole iyo musharrixiinta doorashada.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Boosaaso

