Musharxiin la filayey oo weli la la’ yahay dhaqaaqooda 2016-ka

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho xiligan oo kale sanadkii 2012 waxaa ka jiray olole doorasho oo dhaqdhaqaaq xowli ah ku socday, mana jirin cabsi iyo baqdin laga qabay xisbi guuleysan kara.

Laakiin xiligan oo doorashada dalka ay maalmo ama bilo kooban ka harsan yihiin waxaa yar dhaqdhaqaaq ay sameynayaan musharixiinta ugu waaweyn ee looga baqayo doorashada sanadkaan dhaceysa.

Xisbiyo qaar ayaa sameeyay dhaqdhaqaaq doorasho, walow ilaa iyo hadda xisbiyada qaar aysan shaacin shaqsiga u matalaya doorashada madaxweynaha dalka Soomaaliya.

Dhaqdhaqaaq kooban oo ay sameynayaan xisbiyada qaar ayaa u muunaya mid ay ku cabsi gelinayaan madaxda haatan talada dalka haya, maadaama dhaqdhaqaaqyadii doorashada aysan ka muuqan magaalada.

Waxyaabaha yareeray dhaqdhaqaaqyada doorashada sanadkaan ayaa waxaa ugu horeeyay iyadoo xildhibaanada barlamaanka lagu soo dooranyo magaalooyinka caasimadaha u ah maamul goboleedyada.

Sidoo kale waxaa loo aaneynayaa iney jirto isku gabasho ay sameynayaan musharixiinta qaar oo aan wali shaacin iney yihiin kuwo u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Bisha Agoosto ayaa lasoo xulayaa xubnaha baarlamaanka Soomaaliya, waxayna kadib ay soo dooranayaan xubnahan oo ka kooban aqalka sare iyo aqalka hoose madaxweynaha hogaanka dalka qaban lahaa afarta sano ee soo socota.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com