25.4 C
Mogadishu
Wednesday, July 2, 2025

DFS oo dhaqaale loogu deeqay xilli dalka uu ku jiro marxalad…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – War qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska QM ee magaalada New York ee dalka Mareykanka ayaa lagu shaaciyay in deeq lacageed loogu yaboohay dowlada Somalia.

Warbixinta ayaa waxaa lagu sheegay in lacagtaasi ay dhantahay 2 million oo dollar-ka Mareykanka ah taasi oo loogu tallo galay in lagu horumariyo kaabayaasha dhaqaalaha Somalia.

Warbixinta waxaa sidoo kale lagu sheegay in qeybo kamid ah dhaqaalahaasi lagu maalgalin doono dib usoo nooleynta bilicda iyo horumarka gobolada Banaadir iyo Jubbada Hoose.

Ka sokow QM waxaa yaboohaani bixiyay sanduuqa horumarinta iyo nabada ee QM, waxaana la sheegay in dowlada Somalia looga baahan yahay in dhaqaalahaasi ay ku meel-mariso sidii loogu tallo galay oo aan la musuqin.

Dhanka kale, QM waxa ay xustay in dowlada Somalia ay dhaqaalahaasi usoo marin doonto dhanka Bankiga dhexe ee dowladda Soomaaliya ay maamusho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News