Odayaal sheegay in DF Somalia ay ku billowday arrimo yaab leh

Beledweyne (Caasimada Online) – Nabadoon Axmed Cabdulle Jimcaale oo kamid ah Nabadoonada kasoo jeeda Gobolka Hiiraan ayaa digniin kasoo saaray faragalinta ay dowlada Somalia ku heyso arrimaha Gobolada Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

Nabadoon Axmed Cabdulle, waxa uu sheegay in dowlada Somalia ay fashil u horseedeyso shirka maamulka loogu dhisaayo Gobolada Hiiraan iyo Sh/Dhexe, waxa uuna ku baaqay in la joojiyo waxyaabaha ay dowlada ka dhex wado labada maamul ee uu shirka khuseeyo.

Nabadoonka waxa uu sheegay inaanu u muuqan horumar ay dowlada Somalia ka dhex sameysay shirka iminka ka socda magaalada Jowhar, waxa uuna ku baaqay in faraha leysaga qaado Nabadoonada kasoo kala jeeda labada maamul si ay uga wada tashtaan aayahooda.

“Anigu ma filaayo in mirro wanaagsan laga guran doono shirka waayo shirka waxa uu ka dhamaan la’ yahay faragalin dhanka dowlada ah, waxaan qabaa in dowlada ay isku deyso labada maamul ee iyagu ay howsha u taal”

“Cabsi kama qabo in shirka uu kusoo dhammaan doono guul, waa haddii ay dowladu ka dhex baxdo islamarkaana Odayaasha ay isku fasaxdo si ay u xaliyaan muranka hortaagan guusha”.

Nabadoon Axmed Cabdulle, waxa uu sheegay in marnaba aysan u dulqaadan doonin in shaqsiyaan aan shirka khuseyn ay lugaha ku calaajiyaan shirka waxa uuna xusay in guusha ay imaan doonto goorta ay dowladu faraha kala baxdo shirka.

“Ma dhicin in shaqsi lagu cadaadiyo arrin uusan ku qanacsaneyn kadibna uu qaato, haddii aynu nahay reer Hiiraan ma aqbali doono in qoor qabad nalagu siiyo wixii khuseeya aayaheena”.

Nabadoon Axmed Cabdulle, waxa uu ku baaqay in dowlada Somalia ay ku dhiirato in odayaasha Hiiraan iyo Sh/Dhexe ku tijaabiso maamulka shirka socda, waxa uuna ka digay in lagu sii dhiirado cadaadiska iminka lagu hayo odayaasha labada dhinac.

Haddalka Nabadoon Axmed Cabdulle, ayaa imaanaya iyadoo dhawaan dowlada sheegtay in shirka ka socda magaalada Jowhar loo soo wareejin doono magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com